Cali Xarbi Cali oo shaaciyey sabab yaab leh oo uu u dilay xildhibaan DAVID AMES

London (Caasimada Online) – Ninka Soomaaliga ah ee ku eedeysan dilka xildhibaan David Ames ayaa maxkamad u sheegay inuusan wax “qoomamo ah” ka qabin dilka xildhibaankii ka tirsanaa baarlamanka UK.

Cali Xarbi Cali, oo ah 26 jir ayaa sheegay in sababta uu u dilay Ames ay tahay inuu toddoba sano kahor u codeeyey olole militari oo laga fuliyey dalka Syria.

Cali Xarbi Cali ayaa David Ames mindiyeeyey in ka badan 20 goor, xilli uu ku sugnaa kaniisadda Belfairs Methodist ee magaalada Leigh-on-Sea, Essex, 15-kii October 2021.

Isaga oo maxkamadda u sheegaya inuu isku arko inuu yahay “muslim qunyar socod ah”, ayaa Cali wuxuu sheegay in markii hore uu qorsheynayey inuu dilo xildhibaan Michael Gove.  

Waxa uu beeniyey inuu diyaarinayey ficillo argagixiso iyo dilal.

“Waxaan go’aansaday inaan qaado tallaabadan sababtoo ah waxaan dareemay in haddii aan dilo qof qaatay go’aano lagu dilayo muslimiinta, in taasi ay ka hortageyso waxyeello horleh oo gaarta Muslimiintaas,” ayuu Cali Xarbi u sheegay xeer-beegtida Maxkamadda.

Cali ayaa sheegay in David Ames uu ka mid ahaa xildhibaano u codeeyey duqeymo laga fuliyo dhulka ay maamuli jirtay Daacish ee Syria, codeyntaas oo dhacday 2015, xilligaas oo uu ra’iisul wasaare ahaa David Cameron.

Mar Cali la weydiiyey farqiga ay sameysay dilka David Ames, wuxuu ku jawaabay “mid waa, inuusan mar kale codeyn karin.”

“Haddii uu horey u sameeyey codeyn noocaas ah, ma awoodi doono inuu sameeyo mustaqbalka, sidoo kalena waxay fariin u direysaa saaxiibadiisa.”

Mar wax laga weydiiyey Cali, sida uu arko in maalinkii uu dilay David Ames uu isku dayey inuu isaga caawiyo, wuxuu ku jawaabay “Ma waxaa ula jeedaa qaliinka? Haa, sidaas ayaan qiyaasayaa. Waan dilay sababtoo ah wuxuu dhaawacay Muslimiinta, haddii uu I caawiyo markii uu waxaas sameeyey kadib waxba iiguma fadhsio.”

Mar la weydiiyey “wax halis ah ah adiga kuguma hayn?” wuxuu ku jawaabay “wuxuu halis ku ahaa Muslimiinta.”

Cali ayaa sidoo kale sheegay in arrin kale oo aad u dhibtay ay aheyd in David Ames uu ka tirsanaa koox baarlamaani ah oo lagu magacaabo “Saaxiibada Israel ee Conservative-ka.”

Cali ayaa Maxkamadda u sheegay inuusan wax shalaay ah ka qabin dilka Sir David, wuxuuna ku adkeystay inuu rumeysan yahay inuusan sameyn wax khalad ah.

“Haddii aan rumeysanahay in waxa aan sameynayo ay yihiin khalad, ma sameyn lahayn,” ayuu yiri.

Cali ayaa dhanka kale shaaca ka qaaday “inuu si qota dheera uga qoomameynayo inuu awoodi waayey inuu ku biiro kooxda Daacish.”

Mar la weydiiyey inuu isku arko inuu yahay xagjir, wuxuu ku jawaabay “waxaan ahay muslim qunyar socod ah.”

Maxkamadda ayaa weli socota.