Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda.
Xubnahan ayaa waxaa kamid ahaa Cali Xasan Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cali Dheere), kaasi oo tirsanaa kooxda muddo dheer oo ku siman 12 sano.
Ninka kale ee Cali lala soo bandhigay ayaa isna waxaa lagu magacaaba Maxamed Cabdullaahi Cali, wuxuuna muddo kamid ahaa Shabaab-ka ku dhuumaalaysanaya deegaannada maamulka Koofur Galbeed.
Cali Xasan Cali ayaa kasoo qeyb-qaatay dagaalo badan oo kooxda ay gashay, halka Maxamed Cabdullaahi Cali uu isna kaga biiray Al-Shabaab deegaanka 20-jirow wuxuuna u qaabilsanaa baada shacabka ku nool gobolka Baay.
Labada nin ayaa waxaa hadda gacanta ku haya oo ay isku soo dhiibeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.
Isa-soo dhiibista xubnahan ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda, ayada oo bilihii dambe uu hoos u dhac ku yimid gulufkii dagaal ee kooxda ay wajaheysay.
Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibayay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.