Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar oo saaxiib la’ah dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan la leh Itoobiya ayaa isku dayeysa inay labada dal wada-hadal ka galaan xiisadda ka dhex aloosan.
Xiisaddan oo salka ku haysa heshiiskii is-afgarad ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo la xiriiray damaca Itoobiya ee helitaanka dhul baddeed, taasi oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka Soomaaliya.
Amiirka Qatar oo wada-hadal khadka Taleefanka oo gaar-gaar la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxay warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Qatar isku dayeyso in arrinta heshiiska ee khilaafka weyn ka dhashay in wada hadal laga galo.
Lama oga sida ay dowladda Xasan Sheekh ka yeeli doonto arrinkaan, maadaama ay horay u diidday inay wada-hadal la furto Itoobiya, iyada oo shuruud uga dhigtay in xukuumadda Abiy ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Somaliland.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde iyo taliyaha sirdoonka Ridwan Hussein uu Amiirka Qatar ka guddoomay warqad ay ka wadeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Soomaaliya ayaa horey u diiday codsiyo dhowr ah oo Abiy Axmed uu dalal kale oo saaxiib la ah usoo mariyay dowladda federaalka ee xilligaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, kuwaasi oo dhamaantood ay ku gacan seyrtay.
Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, kaasi oo markale sii xoogeystay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee 2022, waxayna Qatar mashaariicyo waaweyn ay ka fulisaa gudaha dalka.