Maxaa ka jira in la sumeeyay Jeneraal SHEEGOW?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu xalay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo xabsi ugu jiray dowladda Soomaaliya, waxaa si weyn baraha bulshada ugu faafay shaki la xiriira geerida lama filaanka ah ee ku timid jeneraalka.

Maxaa ka jira wararka la isla dhex marayo?

Xildhibaannada ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beesha Jareerweyne iyo qoyska uu ka dhashay Allaha u naxariistee Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa si adag u beeniyey warar been abuur ah oo sheegayay in la sumeeyey marxuumka, kadib geeridiisii lama filaanka ahayd ee xalay ka dhacday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qoyska marxuumka iyo xildhibaannada beesha Jareerweyne ayaa si wadajir ah u sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Waxay si cad u muujiyeen in aysan jirin wax shaki ah oo ku saabsan sababta geerida Jeneraal Sheegow.

Waxay shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen in aan laga been abuurin geerida marxuumka, isla markaana laga fogaado faafinta warar aan xaqiiqo ku fadhiyin oo dhaawacaya sumcadda iyo xurmada qof dhintay.

“Waxaan dadka ku boorinaynaa inay isdajiyaan, kana digtoonaadaan faafinta warar aan xaqiiqo ahayn,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha qoyska oo la hadlay saxaafadda, isagoo xusay in xurmada qofka dhintay iyo dareenka qoyskiisa la ilaaliyo.

Qoyska marxuumka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in aaska Jeneraal Sheegow lagu qaban doono magaalada Muqdisho maalinta Arbacada ee soo socota, iyagoo shacabka ka codsaday inay la qeybsadaan tacsida.

Dhinaca kale, Wasiir Dahabo Suusow, oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah isla markaana ka mid ah ehelada marxuumka, ayaa sheegtay inay si buuxda ugu qanceen warbixinta rasmiga ah ee kasoo baxday isbitaalka Digfeer.

Waxay intaas ku dartay inaan loo baahnayn in buuq iyo madmadow laga abuuro geerida Sheegow, iyadoo shacabka ugu baaqday inay ka fogaadaan hadal-heynta aan salka lahayn.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, oo isna saxaafadda la hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in Jeneraal Sheegow uu geeriyooday kadib markii uu istaagay beerkiisu, iyadoo la ogaaday inuu qabay cagaarshow nooca Hepatitis B.

Allaha u naxariistee jananka ayaa la sheegay in geeridiisa ka hor ay socdeen dadaallo lagu doonayey in dibadda loogu qaado si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad, balse qaddarta Eebbe ayaa qornaa, waxaana uu xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Bishii November 2023 ayey ahayd markii Jeneraal Sheegow ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii uu hoggaaminayey ciidan gaar ah oo la dagaalamay ciidamada dowladda bartamihii bishii Agoosto, taasoo sababtay dagaal culus oo ka dhacay Muqdisho.