Muqdisho (Caasimada Online) – Isku soo bax ballaaran oo lagu taageerayo dowladda iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa caawa ka socda bartamaha magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne aad u tiro badan ay buux dhaafiyeen isgoysyada Shaqaalaha, Taleex, ilaa KM-4.
Gaadiid waaweyn ayaa lagu soo xiray cod-baahiyeyaal ay ka baxayaan heeso guubaabo dagaal ka tarjumaya, waxaana saaran fanaaniin si toos ah u heesaya.
Shacabka Muqdisho oo ka raystay beegsiga Khawaarijta ayaa muujinaya shucuurtooda, iyagoo lulaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Damaashaadka, sawaxanka shacabka iyo heesaha ay qaadaan fanaaniinta saaran gaadiidka leh makarafoonada waaweyn ayaa is biirsaday bartamaha caasimadda, iyadoo aysan jirin wax cabsi amni ah.
Ciidamada ammaanka oo doorkooda ka qaadanaya sugidda xasilloonida ayaa xannibay gaadiidka kale inuu gudaha ugu dhawaado goobta isu soo baxa, iyadoo gaadiidkana loo weecinayo wadooyin kale.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, abaabulka isu soo baxan waxaa si iskood ah u sameeyay dhallinyaro taageersan dowladda iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta, waxaana fannaaniinta goobta ka heesaya ka mid ah kooxda Hiddo oo caan ku ah heesaha wadaniga iyo dagaalka.
Wararka aan helnay sidoo kale waxay sheegayaan in maamulka gobolka Banaadir uusan wax door ah ku lahayn abaabulka iyo isu soo baxa bulshada ee caawa ka socda Muqdisho.
Tan iyo markii uu xafiiska yimid Guddoomiye Amiir, waxaa hoos u dhacay abaabulkii bulshada, iyadoo uu muuqdo in si toos ah u istaagay cilaaqaadkii shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir oo mararka qaar qaban jiray isu soo baxyada lagu taageero ajandeyaasha dowladda.