25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Muxuu Jeneraal Sheegow soo maray geeridiisa ka hor, maxaysa ka tiri DF?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo ahaa sarkaal weyn oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya, kaas oo u xiraa dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii maxkamadda ciidamada ay bishii October 2023 ku xukuntay xabsi dheer iyo bixinta diyada askari uu dilay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ruushka Maxamed Zubeyr oo kamid ah masuuliyiinta dowladda ku metesha qoyska Jeneraal Sheegow ayaa qoraal ka soo saaray geerida Marxuumka iyo qorshihii socday inta uusan dhiman.

Ehelka Sheegow ayaa dowladda ku eedeeyey in dayac iyo daryeel xumo caafimaad uu u dhintay sarkaalkaan oo xabsi ciidan ku jiray 3-dii sano ee lasoo dhaafay, balse war kale ayaa caawa ka soo yeeray masuuliyiinta qoyska Sheegow ku metesha dowladda Soomaaliya.

Sheegow ayaa loo heystay inuu dilay askari kamid ahaa ciidankii ay dowladdu dirtay inay soo qabtaan iyo askartiisa oo deganaa guri ku yaalla degmada Dharkenley.

Sheegow iyo ciidankiisa ayaa xiligaas iska difaacay ciidamadii loo diray ee dowladda, waxaana halkaas ku dhintay wiilkiisii ina Sheegow iyo askar kale oo garabkiisa ka dagaalameysay iyo qaar kamid ah ciidamadii dowladda oo mid ka mid ah isaga toos loogu eedeeyey inuu dilay.

Sheegow ayaa wajahay maxkamadda ciidamada, xukun kadibna waxaa loo dhaadhiciyey xabsiga oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay uu ku xanuunsaday, iyadoo bishii Ramadaanka loo qaaday Isbitaalka Digfeer oo ugu dambeyn uu caawa ku geeriyooday.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta HirShabeelle Cabdishakuur Shaashaa ayaa toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay in Sheegow uu ku dhacay Cagaarshow isku bedelay Kansar, kadib markii uu waayey cid ka daaweysa.

Wasiir Shaashaa iyo qoyska Sheegow ayaa dowladda ku eedeeyey in caafimaad dibadda ah ay u qaadi weysay marxuumka oo dhakhatiirtu cadeeyeen in xaaladiisa aan dalka wax looga qaban karin.

Wasiir Cabdishakuur Shaashaa ayaa geerida Sheegow kadib bartiisa Facebook ku soo qoray: “Jeneraalka dayac dowladeed ayuu u dhintay, mudanna waan ka hadlay, waxaanse walaac ka qabaa dhalinyaradii la xirnaa.”

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ruushka Maxamed Zubeyr oo kamid ah masuuliyiinta dowladda ku metesha qoyska Sheegow ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in geerida kahor ay wadeen dadaallo Jenanka loogu qaadayo caafimaad dalka dibadiisa ah.

“Waxaan si dhow maalmahaan ula socday xanuunka isa soo tarayay ee Janaraalka, kaasoo uga soo bilaabatay xabsiga dhexdiisa, kadibna la dhigay isbitaalka si loogu daaweeyo. Iyadoo qabanqaabo deg deg ah aan ugu jirno in dibadda caafimaad ahaan loogu qaado ayuu Ilaahey oofsaday. Runtii waa geeri kulul oo naxdin inteeda la ek ah leh balse qadarta Rabbi ayaa wax walba ka weyn,” ayuu yiri Danjire Zubeyr.

Wuxuu intaas ku sii daray, “AUN-tee Janaraal Sheegow waxuu ahaa nin dalkaan usoo halgamay. Waxuu ahaa nin Ahlu diin ah, geesi ah oo ku caan baxay la dagaalanka argagaxisada, qeyb weynna ka qaatay xoreynta deegaano badan oo ay Alshabab haysteen muddooyinkii 2011 ilaa iyo 2018.”

- Advertisement -

Read more

Local News