Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday xabsi ay gelisay dowladda Soomaaliya oo xukun ku riday, kaddib markii laga soo qabtay degmada Dharkenley isaga iyo ciidamo la socday oo is difaacay intii aan lasoo qaban.
Sheegow ayaa la sheegay in xanuunkiisu ka bilowday Cagaarshow, balse uu u dilaacay Kansar, sida uu toddobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta HirShabeelle, Cabdishakuur Shaashaa, oo Jananka ay qaraabo ahaayeen.
Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay isbitaal geysay ninkan, haddana ehelkiisu waxay ku doodayaan inuu dayacaad u dhintay, oo uusan helin daryeel caafimaad oo ku filan.
Wasiir Cabdishakuur Shaashaa ayaa hadda bartiisa Facebook ku soo qoray: “Jeneraalka dayac dowladeed ayuu u dhintay, mudanna waan ka hadlay, waxaanse walaac ka qabaa dhalinyaradii la xirnaa.”
Jeneraal Sheegow ayaa loo xiray iska horimaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda. Qabashadiisa kaddib, waxaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu ku jiray xabsiga ku yaalla Muqdisho.
Wasiir Shaashaa ayaa toddobaadkii hore yiri: “Dowladdu waxay wadaa mujaamalo iyo iska dabawareejin. Hal maalin iskama xil saarin in Sheegow uu daryeel caafimaad helo, mar kasta ayaan kala hadalnaa xaaladdiisa.”
Shaashaa ayaa intaas ku sii daray: “Ninkaas waa maxbuus dowladda u xiran, wuxuuna xaq u leeyahay inuu helo daryeel caafimaad. Hadda waxaa naloo sheegay in dalka aan wax looga qaban karin, marka waxaan ka rabnaa dowladda inay masuuliyaddeeda badbaadinta salkaalkaas gudato. Waa nin dalka wax badan u soo qabtay.”