24.9 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

Beesha Caalamka oo dalab deg-deg ah u dirtay Xasan, maamullada iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa soo saartay bayaan ay ku soo dhaweysay gogosha qaran ee lagu baaqay ee siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.

Wakiillada beesha caalamka ayaa muujiyay door ka duwan doorarkooda hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan adeegsiga erayo ka duwan kuwii ay horay ugu xusi jireen oo ahaa soo jeedin iyo tallooyin.

Bayaanka beesha caalamka oo ka yara duwan kuwii horay usoo saari jireen, waxay si isku mid ah baaq ugu wada direen dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada inay si dhakhso ah u kulmaan.

Tan ayaa meesha ka saareysa in gogosha uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay kaliya ku kooban tahay qaban qaabadeeda Villa Somalia.

Hoos ka aqriso bayaanka beesha caalamka oo dhameystiran;

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri.

Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto Al-Shabaab iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.

Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Al-Shabaab, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka.

Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah.

Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah.

Bayaankan ayaa waxaa si wada-jir ah usoo saaray: Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Read more

Local News