24.9 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

Maamulka TRUMP oo diiday arrin muhiim u ah Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ee madaxweyne Donald Trump ayaa muujisay in aysan xiiso u qabin maal-gelinta hawlgalka cusub ee uu hoggaaminayo Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Dhanka kale, maalgeliyayaasha kale ayaa weli sugaya sida loo xallin doono mushkiladda dhaqaale ee hawlgalka wajahayo, kaas oo bilowday bishii Janaayo 2025 isagoo la daalaa dhacaya lacag yari ku dhow $150 milyan.

Qeybtii hore ee muddada kala-guurka ah ayaa sii dhammaanaysa iyadoo aan la haynin wax ballanqaad rasmi ah oo ku saabsan qaabka dhaqaalaha lagu maalgelin doono hawlgalka.

Maamulka Trump ayaa toddobaadkan sheegay in muhiimaddooda ugu weyn ee Geeska Afrika ay tahay halista kooxda Daacish ee Soomaaliya, gaar ahaan awooddeeda ay u leedahay inay xubno ka qorto caalamka iyo inay lacag u gudbiso kooxda guud ahaan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Tammy Bruce, ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay xaliyaan arrimaha dhaqaalaha ee hawlgalka AUSSOM, iyadoo hawlgalku uu sii wadayo ilaalinta nabadgelyadii lagu gaaray hawlgalladii hore si loo soo afjaro khatarta Al-Shabaab.

“Waxaan aqoonsannahay doorka muhiimka ah ee Hawlgalka Taageerada iyo Deggenaanshaha Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu ka ciyaarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana ku dhiirri-gelinaynaa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay dardar geliyaan shaqada muhiimka ah ee waajibaadkooda,” ayuu Bruce u sheegay wargeyska The EastAfrican.

Warbixin ay soo saartay Machadka Watson sanadkii 2023 ayaa lagu sheegay in Washington ay Soomaaliya gelisay ku dhawaad $2.5 bilyan intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2020, taas oo lagu taageeray hawlgalkii hore ee AMISOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

AMISOM ayaa laga beddelay hawlgalkii ku-meel gaarka ahaa ee ATMIS, iyadoo laga soo gudbay lana bilaabay hawlgalka AUSSOM 1-dii Janaayo 2025 muddo lix bilood ah oo loogu talogalay in dib loogu habeeyo ciidamada laga soo dhaxlay ATMIS.

Waxaa lagu wadaa in Midowga Afrika, QM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamadu ka yimaadaan ay ku heshiiyaan qaab-hawleedka ciidamada iyo maalgelinta kahor inta aan si rasmi ah hawlgalka loo bilaabin 1-da Luulyo 2025, kadib marka ay dhammaato dib-u-habeynta ciidamada laga soo wareejiyay ATMIS.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sugayo go’aanka Golaha Ammaanka QM ee ku saabsan maalgelinta AUSSOM laga bilaabo 1-da Luulyo 2025, isagoo rumeysan in hirgelinta isku-dhafka ah ee qaraarka 2719 ay tahay xalka keliya ee waara oo hawlgalka lagu maalgelin karo muddo dheer.

Qaabkan isku-dhafka ah ayaa dhigaya in xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya uu si buuxda u dabooli doono dhinaca saadka, halka 75% dhaqaalaha AUSSOM ay ka imaanayaan tabarrucaadaha khasabka ah ee QM, 25% kalena ay noqon doonaan tabarucaad iskood ah.

“Midowga Yurub iyo dalalkiisa xubnaha ah waxay diyaar u yihiin inay taageeraan AUSSOM iyadoo loo marayo qaabkan cusub, waxaana ka mid noqon doona ka qaybqaadashada miisaaniyadda hawlgallada nabad-ilaalinta QM,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Midowga Yurub.

Tan iyo 2007, Midowga Yurub wuxuu Soomaaliya geliyay lacag dhan €2.7 bilyan ($2.77 bilyan) oo lagu bixiyay mushaarka ciidamada hawlgalladii hore ee ATMIS iyo AMISOM. Sidoo kale waxay ku bixiyeen €4.3 bilyan ($4.76 bilyan) tababarada ciidamada iyo taageerada waaxda ammaanka dalka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, uu toddobaadkii hore booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay, isagoo carrabka ku dhuftay dhibaatooyinka dhaqaale ee AUSSOM iyo baahida loo qabo in bulshada caalamku sii waddo taageerada nabadda Soomaaliya.

Kulan wadajir ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Villa Somalia 25-kii Maarso 2025, ayuu Youssouf ballan qaaday inuu la xiriiri doono dalalka muhiimka ah sida Midowga Yurub, Maraykanka iyo UK, si ay u sii taageeraan Soomaaliya iyo hawlgalka Midowga Afrika.

“Waxaan hore uga bilaabay magaalada Addis Ababa inaan la xiriiro qaar ka mid ah saaxiibbadeenna si aysan Soomaaliya u noqon mid la illoobo,” ayuu yiri Youssouf, isagoo intaa raaciyay in caqabadaha AUSSOM lagu xallin karo dadaalka wadajirka ah ee bulshada caalamka.

Dhinaca UK, oo ah dalka haya faylka Soomaaliya, ayaa masuuliyiinta xafiiska arrimaha dibadda waxay qireen in dhaqaalaha lagu bixinayo AUSSOM uu yahay mid aad u kooban oo xilligan adag.

Sanadkii hore, Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu taageero hawlgalka cusub intii lagu guda jiray shirarkii Golaha Ammaanka QM, taas oo abuurtay shakiyo badan oo ku saabsan joogtaynta dhaqaalaha AUSSOM.

Arrintan ayaa dhacday iyadoo Midowga Yurub—kaas oo ah maalgeliyaha ugu weyn hawlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2007—uu sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu dhaqaalaha hawlgalka cusub bixiyo haddii aysan Maraykanka iyo UK qeybtooda qaadanin.

Dhawaan ayay ahayd markii Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamadu ka yimaadaan ay ku heshiiyeen tirada ciidamada AUSSOM oo noqonaya 11,900 askari, kuwaas oo ka kala imanaya Uganda (4,500), Itoobiya (2,500), Jabuuti (1,520), Kenya (1,410), iyo Masar (1,091).

Tani waa markii ugu horreysay oo Masar ay ciidamo geyso Soomaaliya, iyadoo beddeshay Burundi oo hawlgalka ka baxday sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo dowladda Soomaaliya dhammaadkii sanadkii hore.

- Advertisement -

Read more

Local News