Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray amar cusub oo dhigaya in hay’adaha bixiya adeegyada muhiimka ah ay muwaadiniinta ku xiraan aqoonsiga qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha oo maanta guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqan-gelinta adeegsiga aqoonsiga qaranka iyo isku xirka aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynuhu, ayaa amarkan cusub soo rogay.
Tani waxay meesha ka saaraysaa in ka badan 34 sano oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan, waana arrin wax weyn ka tari doonta amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan caasimadda Muqdisho.
Adeegsiga dhijitaalka ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kale ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga, iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaale horumarineed oo gobolka iyo caalamkaba laga daydo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in la sameeyey dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, xukuumadduna ay ballanqaadayso in dadweynaha la diiwaan geliyo oo aqoonsi la siiyo.
Wuxuuna faray hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsigu muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyada ku xiraan aqoonsiga qaranka.
Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) ayaa muddooyinkii dambe waday bixinta aqoonsiga qaranka, kaas oo muhiim u ah sugnaanta qof ahaaneed iyo xaqiijinta amniga.