Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dalbatay in aan la isku khaldin waxa ay ugu yeertay “Somaliland iyo Soomaaliya”, iyadoo madaxweynaha Somaliland uu Qaramada Midoobay ka codsaday in lala macaamilo si gaar ah.
Dalabkan ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u gudbiyay ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mr. George Conway, oo uu shalay kulan muhiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ergayga kala hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin: nabadda iyo xasilloonida, arrimaha dimuqraadiyadda, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dib-u-eegista tirada, tayada, iyo xaddiga maaliyadeed ee mashaariicda ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan gudaha Somaliland.
Cirro ayaa ergayga u sheegay in Somaliland, inkasta oo aanay haysanin aqoonsi caalami ah, ay muddo ka badan 30 sano ku guulaysatay ilaalinta nabadda, amniga, iyo dhismaha hannaan dowladnimo oo dimuqraadi ah, taasoo uu ku tilmaamay dhacdo dhif iyo naadir ku ah gobolka Geeska Afrika oo ay colaado badan ka jiraan.
“Taageerada Qaramada Midoobay waa in ay noqotaa mid ku dhisan caddaalad, Somaliland-na ay hesho taageero iyo deeqo ay u qalanto oo ku habboon. Waa in aan marnaba la isku khaldin Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Cirro intii uu socday kulanka, sida ay shaacisay Madaxtooyada Somaliland.
Hoggaanka sare ee Somaliland ayaa muujiyay in ay diyaar u yihiin iskaashi lala yeesho Qaramada Midoobay oo ku dhisan kalsooni, isla markaana aanay ahayn gacmo-hoorsasho. Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland diyaar u tahay wax-ka-qabashada caqabadaha ka taagan mandaqadda Geeska Afrika.
Dhankiisa, ergayga ayaa Somaliland ku bogaadiyey dhinacyada amniga, xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo ku-dhaqanka shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonaan wada-shaqaynta hufan ee ay la leeyihiin Somaliland.
Inkasta oo Madaxtooyada Somaliland aysan si cad u sheegin sida uu ergaygu uga jawaabay dalabka la xiriira in Qaramada Midoobay ay si gaar ah ula macaamisho Somaliland, haddana arrintan waxay la mid tahay mid dhaawac ku ah midnimada iyo madax-bannaanida qaranka Soomaaliya.