27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Meydka Gacala Cabdi Aadan ee hore loo aasay oo dib loo soo saarayo + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan Ismaamulka Wajeer, ayaa sheegaya in maxkamad ku taalla deegaankaasi ay siisay oggolaansho Waaxda Baarista Dambiyada si ay u soo saarto meydka Gacala Cabdi Aadan, oo ahayd gabar 17 jir ah.

Gabadhan ayaa horey loogu dilay si arxan darro ah, waxaana la sheegay in nolosha lagu gubay kadib markii ay ka hor timid guur khasab ahaa oo lala damacsanaa nin 55 jir ah.

Sida laga soo xigtay wararka maxalliga ah, meydkeeda waxaa 22-kii bishan lagu aasay xerada qaxootiga ee Dhagaxley, oo ka tirsan deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya.

Kiiska Gacala Cabdi Aadan ayaa si weyn u gilgilay bulshada deegaanka. Maxkamaddu waxay u oggolaatay Waaxda Dambibaarista in baaritaan ku-celis ah lagu sameeyo sababaha dhabta ah ee keentay dilkeeda.

Ujeeddada baaritaankan ayaa ah in la caddeeyo haddii sun la siiyay, iyo sidoo kale in la helo xog dheeraad ah oo ka caawin karta laamaha amniga helidda xaqiiqda geerida.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay saldhigga booliiska ee Dhagaxley inay sugaan ammaanka inta lagu guda jiro hawsha baaritaanka meydka, taasoo muhiimad gaar ah u leh habsami u socodka baaritaanka.

Ururrada xuquuqda aadanaha ee Kenya ayaa la filayaa inay si dhow ula socdaan hannaanka baaritaanka. Qaar ka mid ah ururradan ayaa korjoogteyn doona geeddi-socodka si loo hubiyo in Gacala Cabdi Aadan cadaalad loo helo, iyagoo ku baaqaya in aan la dayicin kiiska gabadhaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in baarayaashu ku taliyaan in hidde-sidaha meydka lagu baadho agagaarka qabriga ama goobaha ay khubaradu ku habboon tahay, taasoo qayb ka ah baaritaanka dhameystiran ee lagu ogaanayo xaqiiqooyinka.

Eedeysanayaasha loo haysto kiiska

Dhawaan ayay ahayd markii isla maxkamadda Wajeer la horgeeyay saddex nin oo Soomaali ah, kuwaasoo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka gabadhan. Mid ka mid ah raggan ayaa la sheegay inuu ahaa seygeeda, arrintaas oo sii adkaysay xaaladda kiiska.

Dilkan foosha xun ayaa la sheegay inuu dhacay kadib markii gabadha la gubay iyadoo weli nool, taasoo argagax weyn ku reebtay bulshada deegaanka, gaar ahaan qaxootiga ku nool xerada Dhagaxley.

Kiiskan ayaa kiciyay caro iyo falcelin ballaaran oo ka soo yeertay qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay baaqyo ku saabsan in la helo cadaalad dhab ah, dad badanna waxay dalbadeen in si degdeg ah loo ciqaabo ciddii ka dambeysay dilka gabadhan.

Qoyska Gacala Cabdi Aadan ayaa la sheegay inay si adag u dalbanayaan cadaalad, iyagoo codsaday in aan la dayicin kiiska gabadhooda loona maro dariiq sax ah.

Dambiyada guurka khasabka ah

Falalka la xiriira guurka khasabka ah ee lagu hayo gabdhaha da’da yar ayaa si isa soo taraysa uga dhacaya qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanada ay Soomaalidu ku badan tahay. Kiiska Gacala Cabdi Aadan wuxuu noqday tusaale murugo leh oo muujinaya sida ay arrintani halis u tahay.

Ururrada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay dowladda Kenya inay tallaabo cad ka qaaddo dadka geysta dambiyada ka dhanka ah gabdhaha yaryar, gaar ahaan kuwa lagu qasbo guurka ay diiddan yihiin.

Maxkamadda magaalada Wajeer iyo laamaha baarista dambiyada ayaa haatan si wadajir ah u wada hawsha, iyadoo la rabo in kiiskan loo helo caddayn dhameystiran. Khubarro caafimaad iyo baarayaal ayaa lagu wargeliyay inay qayb ka noqdaan baaritaanka meydka Gacala Cabdi Aadan.

Haddii ay cadaato in sun la siiyay ama si kale loo dilay, waxaa la filayaa in dacwad culus lagu furo eedeysanayaasha.

Walaaca bulshada ee amniga gabdhaha

Bulshada deegaanka Wajeer iyo guud ahaan Soomaalida Kenya ayaa walaac ka muujiyay ammaanka gabdhaha, iyagoo sheegaya in dhacdadan ay muujinayso baahida loo qabo ilaalin dheeraad ah.

Waxaa la codsaday in la sameeyo olole wacyigelin ah oo lagaga hortagayo guurka khasabka ah, iyadoo sidoo kale carruurta gabdhaha ah lagu baraarujinayo xaqooda iyo sida ay u diidi karaan guur aysan rabin.

Kiiska Gacala Cabdi Aadan wuxuu noqday mid si weyn u saameeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari. Waxaa laga sugayaa in cadaalad dhab ah la marsiiyo, si kiiskeeda uu u noqdo mid horseeda isbeddel dhab ah oo lagu ciribtiro guurka khasabka ah iyo dambiyada ka dhanka ah gabdhaha da’da yar.

Waxaa muhiim ah in hay’adaha garsoorka, booliiska, iyo ururrada bulshada ay si wadajir ah uga hortagaan tacadiyada ka dhanka ah dadka nugul, gaar ahaan gabdhaha qaxootiga ah ee aan helin garab iyo garsoor ku filan.

- Advertisement -

Read more

Local News