25.4 C
Mogadishu
Friday, July 10, 2026

Madaxweyne Xasan oo tababar usoo xiray saraakiil uu tababaray Turkiga + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil iyo saraakiil-xigeenno si guul leh u dhammaystay sanadkii waxbarashada ciidan ee dugsiga tababarka ee TURKSOM.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku daawaday dhoolatus ciidan oo ay si wadajir ah u soo bandhigeen saraakiisha, saraakiil-xigeennada iyo cutubyadii ay hoggaamin doonaan, isagoo ku ammaanay dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii uu tababarkoodu socday.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in saraakiishan ay yihiin hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, lagana filayo inay qarankooda ugu adeegaan daacadnimo, aqoon iyo waddaniyad.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-dhiska, casriyeynta iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka, si loo helo ciidan leh awood iyo xirfad buuxda oo xaqiijiya amniga dalka iyo difaaca qarannimada.

Waxa uu sidoo kale xusay in tayeynta ciidamada ay laf-dhabar u tahay qorshaha dowladda ee lagu xoojinayo la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo sugidda xasilloonida dalka.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyey saraakiisha qalin-jabisay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay tusaale wanaagsan u noqdaan askarta ay hoggaamin doonaan.

Gabagabadii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo tayeynta ciidamada, taas oo door weyn ka qaadatay dhismaha ciidan qaran oo xirfad iyo karti leh.

- Advertisement -

Read more

Local News