Muqdisho (Caasimada Online) – Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Diiriye Catoosh ayaa xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib weerar la sheegay inuu la xiriiray dhac ay geysteen kooxo hubeysan.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor, halkaas oo la sheegay in koox burcad ah isku dayeen inay ka dhacaan taleefanka gacanta ee marxuumka, taasoo ugu dambeyn sababtay in rasaas lagu furo.
Marxuum Maxamed Diiriye Catoosh ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii sannadkan dhammaysatay dugsiyada sare ee Puntland, iyadoo geeridiisa si weyn uga naxeen ehelladiisa, saaxiibbadiis iyo bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo.
Ciidanka booliska gobolka Mudug ayaa xaqiijiyey inay bilaabeen baaritaan ku saabsan dilka, iyagoo sheegay inay ku raad-joogaan koox lagu tuhunsan yahay inay ka dambeysay falka.
Taliyaha saldhigga booliska warshad Galay, Mahad Siciid Axmed ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay si dhow ula socdaan baaritaanka iyo raadraaca eedeysanayaasha, isla markaana ay socdaan howlgallo lagu soo qabanayo dadka looga shakisan yahay kiiskan.
Waxa uu taliyuhu ugu baaqay shacabka inay laamaha ammaanka la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada dambiilayaasha, isagoo xusay in cid kasta oo ku lug yeelata falalkan sharciga la horkeeni doono.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni-darro iyo dhac hubeysan, kuwaas oo walaac ku haya shacabka, iyadoo laamaha ammaankuna ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo sugidda amniga magaalada.

