Cali Yare oo jawaab cajiib ah ka bixiyey hadalkii Muuse Biixi ee dilka Cabdinaasir Dahable

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si yaab leh uga jawaabay hadalkii uu maanta madaxweyne Muuse Biixi ka sheegay aaskii marxuum Cabdinaasir Dahable oo ka dhacay magaalada Gabiley.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu si cad u sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Dahable, isagoo ka dhawaajiyay in dilka Dahahble uu abuurayo colaad riiq-dheeraata oo u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Yare Cali oo ka daba qaatay madaxweyne Biixi ayaa waxa uu yiri “Muuse Biixi oo leh reer Xamar baa dilay Abdinasir Dahable ayaan arkay, hadde ogoow Muusaha meeydka Abdinasir ku dul barooranaya waa ninkii Hargeysa ka soo ceeyrsaday marxuumka. Reer Xamarka uu dilkiisa ku eedeeynayana waa dadkii iyo dowladdii waxbarashada dibadda ah u diray.”

Cali Yare ayaa sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalka uu soo saaray “Haddii xasuuqii Laascaanood ka hor dooddu aheyd waa nala xasuuqay keebaa badan tabashada ay qabaan iyo xasuuqa aad Koonfur ka geeysteen?.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare Cali

Goorwaliba waxaan is waydiiyaa meeshaan waqooyi ah miyaanu joogin dad maankoodu ka sarriigan karo sheekooyinka macmalka iyo gacan-kusameeyska ah ee mudda haaf qarniga kusii dhow ay aqrinayaan shaqsiyaadka kooban?

Muuse Biixi oo leh reer Xamar baa dilay Abdinasir Dahable ayaan arkay, hadde ogoow Muusaha meeydka Abdinasir ku dul barooranaya waa ninkii Hargeysa ka soo ceeyrsaday marxuumka. Reer Xamarka uu dilkiisa ku eedeeynayana waa dadkii iyo dowladdii waxbarashada dibadda ah u diray.

Muuse Caddeeyn uma hayo naxligiisa, laakiin innagu waxaan caddeeyn buuxda u heynaa in dad Hal malyuun ah oo reer Koonfureed ah ay xasuuq aan kala sooc laheeyn ay reer Somaliland u geeysteen.

Qaraxyadii Soobe1 iyo Soobe2 oo la wada ogaa in sidii wabigii uu dhiiggu u qulqulay, Qarixii hargaha iyo saamaha oo ay hal subax 300 oo arday ah ku naf waayeen, qarixii Shamo oo ay boqolaal dhaqaatiir ah iyo macalimiintoodii oo ay wehliyaan 4 wasiir ku shahiideen, Qarixii Ex koontarool oo ay dhiigga iyo hilbihii hooyooyinka qudaarta Xamar keena iskumilmeen iyo 302 qarax oo la wada mid ahaa.

Intaas oo xasuuq ah ragga noo geeystay soo walaalaheen reer Waqooyi ma aheeyn? Soo Godane, Ibrahim Afgan, Caraale, Ahmed Keyse, Ahmed Diriye, Aden Sunne, Sarqaan Saalax Badbaado ma aheeyn? heer markii ay dhulka ku ciilbixi waayeen uu Booreh oo reer Waqooyi ah isku qarxiyay diyaaradii Daallo Airlines Flight 159 oo aan aniguba rakaabkii saarnaa kamidka ahaa ?

Soo walaalaheen reer Waqooyi maahan kuwii xasuuqay aqoonyahankii, Dhallinyaradii, saraakiishii, culumadii, Abwaannadii, hooyooyinkii iyo labeentii bulshada Koonfureed?

Weli yaa arkay qof reer Koonfur ah oo ku doodaya waxaa na xasuuqay Waqooyi? Cigaal, Siilaanyo, Daahir Rayaale iyo Biixi?

Haddii xasuuqii Laascaanood ka hor dooddu aheyd waa nala xasuuqay keebaa badan tabashada ay qabaan iyo xasuuqa aad Koonfur ka geeysteen?

Haddii kan doodi doona uu dhihi doona Aden Ceyrow iyo Rooboow Mansuur iyo reer Koonfur ayaa xasuuqiinna nagu wehliyay, soo Feysal Cali Waraabe, Siilaanyo, Saleebaan Gaal, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin iyo Xasan Yoonis Habane, Qeybe iyo Daahir Rayaale intuba saraakiil Maxamed Siyaad u shaqeeysa ma aheeyn ? Soo Maxmed Kaahin iyo Xasan Yoonis Habane maanu aheeyn kuwii xasuuqii buugaagta laga qoray ka geeystay Mudug, Nugaal iyo Bari ?

Waligaa mid ha isku dayin: Inaad wixii ay dowladdii Maxamed Siyaad Barrana aad magaca koonfureed ku xisaabiso kii ay Godane, Afgaan oo iyaguba aakhirkii is dilayna aadan waqooyi ku xisaabin.

Tanna ku darso: Halka caddeeyn ee muuninaya in aanu reer Koonfur dilin walaal Abdinasir waa in aynaan innagu ceejo iyo fiilo wax ku dilin oo farsamooyinkaas ay adeegsadaan dadka aan Muqdisho hubka ku heeysan.

Waxaa la gaaray waqtigii sida runta ah loo xisaabtami lahaa oo Calculator-ka lala soo wada bixi lahaa. RUNTA QARAAR.

W/Q: Cali Yare Cali