Cali Yare oo war lama filaan ah kasoo saaray doorashada guddoonka Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo war qoraal ah soo saaray ayaa si lama filaan ah uga hadlay doorashada gudoonka Aqalka Sare ee ka socota Afisyooni.

Cali Yare oo si weyn u taageera madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa soo jeediyey in Senataradu ay codkooda siiyaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay horey dagaal siyaasadeed ula gashay Villa Soomaaliya, kaas oo ka mid ah musharixiinta tartameysa.

“Marka laga soo tago siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira Mudanayaasha aqalka sare waa in ay ogaadaan in Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi uu yahay Hanti dalku leeyahay ee aanu aheyn qof dadka kale la mid ah, sidaas daraadeedna ay Codkooda siiyaan lana shaqeeyaan,” ayuu ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray guddoomiye Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Senator Cabdi Xaashi wuxuu xooggiisii, caqligiisii iyo cilmigiisii galiyay dalka, waana siyaasi xor ka ah kanah madax banaan dhammaan kooxaha isdiidan ee xukunka dalka isku haya, arrintaas Adeer, Senator Cabdi Xaashi wuxuu ku mudanyahay in abaalmarin ahaan lagu sharfo loona boqro inuu markale Aqalka Sare hoggaamiyo. Mahadsanidiin,”.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay falcelin iyo hadal heyn  xoogan oo ay sameeyeen dadweynaha kala duwan ee isticmaala baraha bulshada.

Dadka ka falceliyey qoraalka Cali Yare ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan, waxayna qaarkood sheegeen in N&N ay weysay qof ay dhisaan, halka kuwa kalena ay ku macneeyeen in tani ay muujineyso in kooxda Farmaajo looga adkaaday Aqalka Sare.

“NN oo faraha kala baxday doorashada Aqalka Sare markay waayeen qof ay dhisaan! Cabdi Xaashi waa mucaarad weyn, Dubbe iyo Saalaxna kala dhine! Talo waxay noqotey TVga in ay kala socdaan…” ayuu yiri Zakariye Cabdikariin.

“Waa Marka Ogaatay In Maantay La Dooranayo. Dhimasho Siyaasaded Ayey Kooxdaadu Qarka u. Saaran Tahay” ayuu yiri Maxamed Cabdisaciid

“Khalaas Cali Yare Cali Gacantayada waa ka baxay gacan nooguma jiro hadaan nahay N&N” Cabdi Maxamed Cilmi.