Cambaareyn xooggan oo ka dhalatay falkii Sweden ee ka dhanka ahaa Qur’aanka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay falkii ka dhacay dalka Sweden, kadib markii uu nin xag jir ah kitaabka Qur’aanka Kariimka ku hor gubay dhismaha safaaradda Turkiga ee ku taalla  magaalada Stockholm.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in uu si adag u cambaareynayo falkaasi oo uu ku tilmaamay “mid aad u fool xun”.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falkii foosah xumaa ee uu geystay ninka garabka midig ee Swedishka ah ee Rasmus Paludan oo gubay nuqul kamid ah Quraanka Kariimka,” ayuu yiri Makcy Sall, oo sidoo kale ah madaxweynaha Senegal.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Islaam nacaybka iyo nacaybka Muslimiinta waa wax laga xumaado waana in lala dagaalamo iyada oo aan tanaasul loo muujinayn.”

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa asaguna tallaabadan ku macneeyay mid tusaale kale u noqoneysa heerka argagaxa leh ee ay gaartay Islaam naceybka, ayada oo Sweden ka codsatay in la ciqaabo kuwa ka dambeeya dambiyada ku saabsan nacaybka.

“Waa fal daan-daansi ah oo lagu beegsanayo Muslimiinta, laguna aflagaadeynayo qiyamkooda muqadaska ah,” ayey tallaabadan ku tilmaamtay OIC.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda si adag uga hortimid tallaabadan, ayada oo war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda si kulul loogu cambaareeyay falkaas oo ay sidoo kale ogolaadeen mas’uuliyiinta Sweden.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in falkan uu yahay mid loogu xad gudubay xurmada diinta, sidoo kale uu kicinayo dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

“In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda oo u adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale dowladda federaalka ah ayaa ku baaqday in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado hurinta nacaybka iyo colaadaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Soomaaliya waxay ugu baaqeysa Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorinaysa dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.”