Madaxweyne Xasan oo hal xujo hordhigay culumada ku shireysa magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa xujo adag dul-dhigay culumada Soomaaliyeed, isagoo tusaaleeyey caqabadaha iyo kala shakiga ay bulshada ka dhex abuureen khilaafaadka yar-yar ee culumada ka dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumada ka dalbaday inay ku heshiiyaan dhismaha hey’addii maamuli laheyd, “In culumadu ay dowladda toosiso, dadkana u sheegto in dowladdu ay masuul ka tahay diinta, wax dambe nagama qaldamayaan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa culumada ka balan qaaday in hey’adda uu dhisi doono hadii ay la yimaadaan naqshad ay heshiis ku yihiin, “Waxaan rabnaa waajibkaan aan idiin wakiilanayo inaad nagu soo celisaan oo dhahdaan intii naloo diray waa tan, markaas dowladdu kaalinteeda ayey guda doontaa,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Diinta dowladda wakiil ka ah 4.5 maaha, federaalisim maaha, waa meesha kaliya ee dalkeena laga toosi karo, hadii aan hey’ad diinta maamusha dhisno waajibaa naga dhacaya.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii qeylo yeerto dhinaca Masaajidka loo carari jiray, balse hadda ay qayladii ka yeertay culumada dhexdeeda, isagoo culumada ka dalbaday inay isku dulqaataan.

“Culumoy is aqbala oo haku kala tegina waxyaabaha yar yar oo aad ku kala duwan tihiin, wada socda idinkoo ra’yigiinu kala duwan yahay, horta idinku is aqbala,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa culumada Soomaaliyeed ka balan-qaaday in doorkii ku dhaqanka diinta ee dhanka dowladda oo aan sal-dhiya laheyn tan iyo xornimadii Soomaaliya uu toosi doono.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa hey’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan dowladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka, iyaga oo wakiil uga ah dowladda.