Cameey oo Garoowe kaga dhawaaqay arrin halis ku ah Somaliland (Faahfaahin)

Garoowe (CaasimadaOnline) – Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay si gaara u ugaarsan doonto Saraakiisha hogaamisa ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool.

Cameey, waxa uu sheegay in Gobolka Sool uu ka dagi la’ yahay Saraakiisha Somaliland oo uu sheegay inay ka dhigteen goob loo soo dalxiistago.

Waxa uu tilmaamay in fidnada ugu badan ay tahay mid kaga imaaneysa Saraakiisha,waxa uuna cadeeyay imay cuuryaamin doonaan kuwa ugu caansan ee caqabada ku ah xasiloonida Gobolka Sool.

Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), waxa uu cadeeyay mar uu magaalada Garoowe shir kula qaadanaayay Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka in Puntland aysan u kala soocnaan doonin ciidamada rasaasta kusoo ridaaya ee Somaliland, Saraakiishooda iyo madaxdooda usoo dalxiistaga Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq.

Waxa uu Cameey cadeeyay in dagaalka ka socda Tukaraq aanu ku ekaan doonin ciidamada Somaliland balse uu saameyn doono xitaa Saraakiisha ku sugan Sool ee kasoo jeeda Somaliland, isagoo ugu baaqay inay isaga baxaan deeganka, ka hor inta aysan la kulmin dhibaato.

Sidoo kale, waxa uu Cameey Saraakiisha u sheegay in laga doonaayo inay ka mirro dhaliyaan dagaalka ciidamada Somaliland looga saarayo deegank Tukaraq.

Haddalka Cameey, ayaa u muuqda mid lagu guubaabinaayo ciidamada Puntland ee iminka ku sugan jiida dagaalka iyo Saraakiisha hogaamisa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com