CC SHAKUUR oo su’aal ka keenay liis ABIY AHMED uu ku liiday SOOMAALIDA

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su’aal ka keenay liis cusub oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo u muuqda mid lagu xaqiray Soomaalida ku nool dalka Ethiopia.

Liiska cusub ee Abiy Ahmed, ayaa waxaa ku qoran xubnaha guddiga ra’iisul wasaaraha kala talin doona hannaanka qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee dalka Ethiopia ee dowladdu ay leedahay looga dhigi lahaa kuwa gaar ah.

Si kastaba liiskan oo ka kooban 21 xubnood oo ay kasoo muuqdeen shaqsiyaad kasoo jeeda qowmiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia ayaa waxaan ku jirin hal qof oo ka mid ah Soomaalida dalka Ethiopia.

Qoraal uu barta twitter soo dhigay ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Qof Soomaali ah kuma jiro liiskan. Miyaanay lahayn aqoon ay uga mid noqdaan mise uma qalmaan”

Hoos ka aqriso magacyada dhammaan xubnaha liiska ku jira.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com