Canada oo sabab yaab leh u masaafurineysa boqolaal qof oo Soomaali ah (Warbixin)

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa bilowday qorshaha ay ku masaafurineyso ku dhawaad 400 oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo dalkaas ku galay Baasaboorada waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Canada ayaa shaki galisay Soomaalinimada dhalinyartaas maadama ay ku galeen baasaboorka wadamo kale, sidaas darteedna ay ku qasban tahay inay masaafuriso oo dib ugu celiso wadamadii ay ku socdaaleen Baasaboorkooda.

Dhalinyaradaan laga buuxiyay diiwaanka dowladda u ogolaanaya inay tarxiisho ayaa waxay sheegeen inay dowladda Canada ka dalbatay inay cadeeyaan Soomaalinimadooda, maadama Baasaboorka ay wataan uu tilmaamayo dhalasho ahaan dalalka deriska.

“In muddo ah ayaa dadaalladaan soo wadnay waxaa dhalinyarada la marsiinayaa nidaamkii dib dalkooda loogu celin lahaa, dhammaan waa isku kiis oo 400 Dhalinyaro weeye, waxa ay kusoo safreen Baasaboorka waddamada deriska maadaama dalka uu galay dagaal sokeeye, da’doodu waxay u dhaxeysaa 20 illaa 30 sano, waxa ay galeen isla hadal maskaxeed iyaga oo dhaqaatiirtooda u tagay si ay u qaataan dawooyin,” ayuu yiri Cabdullaahi Muuse oo kamid ah dhalinyaradaas.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay jaaliyada Soomaaliyeed ee Canada iyo mas’uuliyiinta xilalka dowladda ka haya inay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la masaafuriyo dhalinyarada oo dhamaan isku kiis ah.

“Dhalinyaradaan talo ayaa faraha ka baxday oo waxa ay keliya rejo ka qabaan ilaahay xaggiisa iyo in ay wax u qabtaan dad badan oo Soomaali ah oo dalkaan xilal ka haya, waxaa lagu heystaa Soomaali ma tihiin, qaar naga mid ah ayaa wata Baasaboor iyo Dukumiintiyo Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaha ay dib ugu celineyso dhalinyaradaan Soomaalida ah ee dalkeeda ku galay Baasaboorka wadamada deriska la ah Soomaaliya, ayada oo ku doodeysa in qorshaha soo gelistooda uu markii hore qaldamay sidaas darteedna ay masaafurinayso.