Hakad ku yimid kacdoonkii dalka looga xoreynayey Al-Shabaab – Maxaa isbedelay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in gebi ahaan uu istaagay duullaankii lagu qaaday maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Marka laga reebo dhowr tuullo oo aad u yar oo ciidamada ay qabsadeen dagaal la’aan maalmihii, waxaa isataagay dagaalladii xoogganaa ee Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dalka, ayada oo aan la garaneyn sababta.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka ah ee Wabxo ee dhowr maalmood kahor ay ciidamada faarujiyeen.

Saraakiisha qaarkood ayaa laga soo xigtay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka uu bixiyay amarka dib looga baxay degaannadii laga saaray kooxaha Al-Shabaab, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin taas.

Fallanqeeyayaal amni oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay xeelad la’aan dhanka dowladda ah iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid aan muhiimad weyn siineyn dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dagaalka hoggaamiyo, islamarkaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya. 

Inkasta oo safarrada qaar loo qiil dayi karo sida kii ugu dambeeyey ee Eritrea, haddana Xasan Sheekh wuxuu galayaa kuwa kale oo macno-darro ah, sidii shirkii cimilada ee magaalada Sharma Al-Shaikh ee dalka Masar, oo wasiirada dowladda ay ku filnaayeen

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horey u sheegay in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.