Maxkamadda G/Banaadir oo xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’ada Duulista

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xayiraad safar kusoo rogtay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan kadib markii ay ku eedeysay inuu u hoggaansami waayey amar kasoo baxay Maxkamadda.

Qoraal ku taariikheysan 16-ka November 2022, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa taliyaha Taliyaha Saldhigga Boliiska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka lagu faray in maareeyaha aanu ka dhoofi karin garoonka Aadan Cadde.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Axmed Macallin uu fulin waayey amar u yeeris oo kasoo baxay Maxkamadda oo lagu faray inuu horyimaado taariikhda 14-ka November, balse sida la sheegay uusan u hoggaansamin.

Maxkamadda ayaa maareeyaha ugu yeertay sababo la xiriria gal dacwadeed ay kasoo gudbisay gabar lagu magacaabo Fatxi Xasan Daahir. Qoraalka maxkamadda kuma cadda waxa ka dhaxeeya maareeyaha iyo Fatxi iyo sababta ay dacwad uga gudbisay. 

Sida ka muuqata qoraalka maxkamadda, waxaa horey u jiray amar kasoo baxay Maxkamadda Sare oo lagu faray Axmed Macallin inuu fuliyo balse uu ku guuldareystay, taasi oo qasabtay in looga yeero maxkamadda inuu horyimaado 14-kii November, si wax looga weydiiyo sababta, balse uu mar kale ku guuldarreystay inuu hortago.

“Sidaas Darteed, waxaa la farayaa Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, inaad Safarka ka joojisaan, Axmed Macallin Xasan (Maareeyayaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed), Maadaama uu u hogaansami waayay Amarka Maxkaamdda Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda. 

Warqadda Maxkamadda ayaa waxaa ku lifaaqnaa baasaboorka iyo sawirka maareeyaha.

Hoos ka arag warqadda