Muxuu Xasan kala hadlay guddoonka barlamaanada DF iyo dowlad-goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay guddoonnada baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, oo ayagu dhawaan Muqdisho u yimid furitaanka kalfadhigii 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa guddoonka baarlamaanka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed kala hadlay arrimaha hortabinta u leh iyo dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyay guddoonka inay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wada-jirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah oo Dunidana Heshiis la ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhameystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, isagoo tilmaamay doorka xoogan ee baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxay guddoonka baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed uga mahad-celiyeen madaxweynaha kulankaan, iyagoo soo dhaweeyey inay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka.