Caqabad awood leh oo soo wajahday qorshaha ay DF ku xireyso xafiiska UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Caqabad awood leh ayaa soo wajahday qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneyso in lagu xiro xafiiska QM ee Soomaaliya (UNSOM) marka la gaaro bisha December ee sanadkan, caqabaddaas oo ah dowladda Mareykanka. 

Sida lagu baahiyay bogga Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka, xoghaye Antony Blinken ayaa Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Blinken iyo Xasan Sheekh ay ka wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee uu leeyahay Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). 

Maraykanku waxa uu doonayaa in uu sii shaqeeyo Hawgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda Matthew Miller. 

Maraykanka ayaa xiriir dhaw la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka caawiya arrimo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo kaalmada gargaarka. Waxa muuqata in uu cadaadis ku saarayo dawladda inay ka laabato go’aankeeda ah in la soo gabagabeeyo hawlgalka UNSOM.

Dad badan ayaa rumeysan suurta-galnimada in dawladdu dib uga laabato go’aankeeda, marka la eego cadaadiska uga imaanaya beesha caalamka oo u dambeeyay kan Maraykanka ka yimid.

Feysal Deri oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in soo magacaabistii James Swan, loo soo magacaabay in uu hoggaamiyo si kumeel gaar ah xafiiska UNSOM iyo daneynta Maraykanka ee xiisadda gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixsada ay dhammaantood keeni karaan, in dowladda Soomaaliya aqbasho codsiga uga imaanaya beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horreeyo. 

“Dawladda Soomaaliya runtii waxa dhab ah in ay aad ugu tiirsan tahay saaxiibadeeda beesha caalamka, xataa haddaad fiiriso dhimista ciidamadan hadda laga wadahadlayo, dawladda Soomaaliya marna may oran ciidamadu gabi ahaan Soomaaliya ha ka baxeen ee waxa la isku haystaa qaabka iyo waajibaadka ay ku sii joogayaan ciidamadan iyo magaca loo bixinayo, marka haddaad isku soo wada duubto waxa lafdhabar u ah dawladda Soomaaliya jiritaankeeda waa saaxiibada ay ku leeyihiin beesha caalamka, Maraykankuna qayb ayuu ka yahay saaxiibadaas,’’ ayuu yiri Feysal Deri.

Feysal waxa kale oo uu sheegay “marka waxan filayaa in ay jiri doonaan wadahadallo dheeraada si loogu heshiiyo meel dhexdhexaad ah beesha caalamkuna ku qanacdo, dawladda Soomaaliyana u aragto in danaheeda gaarka ah uu ku jiro.” 

Ma cadda go’aanka ay dowladda federaalka ka qaadan doonto cadaadiska ka yimid Mareykanka.