Ganacsatada qaadka Kenya oo caqabad cusub ay soo wajahday kadib heshiiskii

Nairobi (Caasimada Online) – Ayada oo Jimcihii lasoo dhaafay ay heshiis buuxa gaareen Soomaaliya iyo Kenya ayaa haddane ganacsatada qaadka ee dalkaasi waxaa soo wajahday caqabad horleh oo ku aadan, sidii ay qaadka ugu soo dhoofin lahaayeen dhanka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in ganacsatadu ay dhoofinta qaadka sugaan in ka badan intii lagu waday in lagu keeno magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in shuruudo cusub lagu xiray, kadib markii ay dhowaan dowladda Kenya ansixisay xeerar cusub oo dhanka dalagga beeraha ah.

Ganacsatada iyo beeraleyda oo horey usoo dhaweeyey dib u fasaxidda qaadka ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda in ay dadajiso bixinta shatiyada dhoofinta sida uu dhigayo sharciga cusub ee ay dhawaan soo saartay xukuumadda Nairobi ee ku aadan beeraha.

Guddiga ganacsatada qaadka ee Kenya oo arrintaan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ganacsatada dhoofisa qaadka illaa iyo hadda aan la siinin shatiyada, taasina ay caqabad ku tahay ganacsigooda & inay si deg-deg ah u bilaabaan in qaadka loo soo dhoofiyo Muqdisho.

“Si deg-deg ah ayaan ugu baahanahay shatiyada, sababtoo ah ma rari karno qaadka anaga oo aan u hogaansamin shuruucda,” ayuu yiri guddoomiyaha ganacsatada Kimathi  Munjuri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dib loo furay Qaadka KenyaM kadib heshiis ay wada gaareen madaxweynayaasha labada dowladdood ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhur Kenyatta oo Jimcihii ku kulmay magaalada Nairobi, waxaana Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka labada dal ee dariska ah.