Caqabado haysta qorshihii laga damacsanaa ciidamada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online ) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Somalia oo ay kamid yihiin Taliyaha NISA, Booliska iyo Militeriga.

Go’aanada laga soo saaray fadhiga Taliyayaasha ayaa waxaa kamid ahaa in Ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho, maadaama ay yihiin kuwa inta badan dilalka bareerka ah u geysta dadka shacabka ah.

Go’aankaani ayaa hor u dhicisoobay mudadii ay dalka ka arinineysay Dowladii Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo Laba jeer ah Taliyaha Ciida,ada Militeriga lagu amray in Ciidamada uu ka saaro magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaan hirgalin amarkaasi oo ahaa mid uu bixiyay Madaxweynihii hore.

Asbaabaha fashiliyay hirgalinta amarkaasi ayaa waxaa kamid ahaa in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamo diiwaan gishan iyo Maleeshiyaad aan diiwaan gishneyn kuwaa oo la socda Madaxda qaar.

Hirgalinta Amarkaasi ayaa waxaa fashilintiisa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta Dowlada oo iyagu wata ilaalo ay isku heyb yihiin kuwaa oo aan u diiwaan gishneyn Dowlada balse loogu labisay dareeska Ciidamada.

Ciidamada Militeriga ayaa markii loo qeybiyo 4 meelood ayaa waxa ay yihiin kuwo aan laba meelood iyo dhig u diiwaan gishneyn Dowlada kuwaa oo loo isticmaalo ilaalada gaarka ah oo ay wataan Mas’uuliyiinta waxa ayna talaabadaasi qeyb ka tahay hirgalin la’aanta amarka kasoo baxa Madaxda Qaranka.

Dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale geysta ilaalada gaarka ah iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Militeriga, waxaana adkaan doonta in Dowlada Farmaajo ay ku guuleysato go’aanka Ciidamada Xooga looga saaraayo magaalada Muqdisho, maadaama Taliyaha Militeriga qudhiisa aysan u diiwaan gishneyn Maleeshiyaadka shaqsiyaadka gaarka ah la socda ee wata dharka Ciidanka.

Caqabada ugu badan ee amarka magaalada Muqdisho looga saaraayo Ciidamada Militeiga ayaa noqon doonta in Taliyaha Ciidamadaasi uusan ka dhabeyn doonin go’aanka waxa ayna taa noqon doontaa mid aan waxba ka duwaneyn amaradii hore.

SIDEE LOOGA DHABEYNKARAA AMARKAASI?

Amarka lagu saaraayo Ciidamada Milteriga ayaa dhaqan gali doona fulinta qodobada soo socda:

1-In Taliyaha Ciidamada Xooga uu dib ugu laabto Liiska Ciidamada si loo kala sifeeyo ka hor inta aan magaalada Muqdisho laga saarin.

2-In Taliyaha uu guuto waliba kulmiyo si Liiska looga saaro Ciidamada aan diiwaan gishneyn.

3-In Askarigii ku labisan Dareeska Militeriga ee lagu dhex arko magaalada Muqdisho loo diro baaritaan si loo xaqiijiyo.

4-In la sameeyo Ciidamo ka tirsan Militeriga oo gaaf wareega magaalada Muqdisho kuwaa oo uruurinaaya Askarta ku labisan dharka Militeriga si loo xaqiijiyo isla markaana looga abaalmariyo amar jabinta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa adkaan doonta in Ciidamada Militeriga laga sifeeyo magaalada Muqdisho, waa haddii aan la helin Saraakiil ka dhabeysa amarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com