27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Carrada & Mucjisada Islaamka (Maxay reer galbeedka iminka ogaadeen?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bismillaah, Alxamdulillaah, Allaahumma salli calaa Muxammad.

Dunida aynu ku noolnahay waxay maraysaa casrigii tiknoloojiyada iyo horumarka. Cilmiga waxaa laga gaaray heer. Reer galbeedka oo iyagu xagga daraasaadka iyo iktishaafiddooda ku horreeya ayaa waxay mar waliba soo bandhigaan xaqiiqa sida la moodo dunida ku cusub, balse aanan ku cusbeyn umadda Islaamka ah.

Arrimaha imminka la ogaanaya ayaa ay ku gaareen teleskoobyada iyo qalabka loo adeegsada il ma aragtada iyo waxyaaba kalooyaan aqoon, laakiin xaqiiqada soo baxda ayaa durba waxaad ka dhex heleysaa Quraanka kariimka ama xaddiiska nebiga aanan ku hadlin hawadiisa ee ku socda waxyigii loo waxyoodday, nabadi iyo naxariis dushiisa Eebbe ha yeelee.

Waxyaabaha sanaddadan dambe la ogaaday, amaba la iktishaafay ayaa ka mid ah cilmi iyo daraasad ku saabsan carrada. Culima aqoonyahanno ah oo kamid ah kuwa Yurubiyaan iyo Maraykan ah ayaa iktishaafeen in carradu ay leedahay maaddo wax walba nadiifin karta. Waxay ku sheegeen maaddadaasi inay awood u leedahay noocwalba oo bakteeriya inay baabi’in karta, ayna ka awood badan tahay.

Haddii aad si u fiiriso, aqriste bal isweydii, sababta aynu mowtideenna u aasno marka ay dhintaan? Waxaa dhici kari lahayd in cudurro aanan la aqoonin ay ka dhalan lahaayeen haddaynu mowtida ku dayn lahayn dhulka dushiisa, oo aynaan u adeegsan lahayn inaanu carrada ku aasno. Bal’ee khilaayaadka bini-aadamka iyo jirkiisa oo marka ay ruuxdu ka baxdo aanan wax kabad 10 casho oolli karin meel aanan carrada hoosteeda ahayd iyadoo laga nabad helaya bakteeriya, cudurro iyo ur intuba, ayaa nagu kallifeysa inaanu qaadanno sunnadii hore ee dad aasidda.

Taasu waxay ina tusineysaa caddeymaha waaweyn iyo awoodda ay leedahay carrada. Dhanka kalena marka aynu eegno xaqiiqadan cusub ee ay immika uun heleen dadkani reer galbeedka ah, ayaa waxaad soo xasuusanaysaa in cilmigani uu 1400 sano kahor uu Islaamka agtiisa yaallay, waayo nebi Muxammad (NNKH) oo ahaa mid aanan hawadiisa ku hadlin, ahaana nebi ummi ah oo aanan waxba qorin waxna aqrinin, kaasoo Eebbe uu ku galladaystay caalamka, si uu nuur iyo raxmad ugu noqda ayaa daraasaddan horey inooga warramay, markii uu xaddiis saxiixa ku yiri amar ahaan sida tan:

”(إذا ولغ الكلب في الإناء فاغسلوه سبع مرات وعفروه الثامنة في التراب) [رواه مسلم].”

”Haddii eeygu uu weel afka la galo (yacni uu wax ku cabbo ama uu ku cuno), dhaqo (maydha) 7 mar, marka 8d-na ku qallajiya carrada”. Waxaa weriyey Muslim.

Nebi Muxammad (NNKH), xilligaasi mugdiga ee aanay jirin tiknoloojiyada maanta jirta iyo horumarka la gaaray, ayuu aqoontani durugsan ee sida cad u qeexeysa in carradu ay leedahay awood intaa la eg ayuu koonkan ula yimid, saa badi waxay yiraahdeen ”Beenloow baad tahay, nebi Allaah ma imid”, iwm. Markaasay misna ga gaabiyeen inay gaaraan mucjisadaas iyo aqoontaasi uu ula yimid, iyadoo maanta oo ay dunida horu martay ay dhib iyo rafaad kadib intay adeegsadaan aaladahan casriga ah ay iktishaafayaan xaqiiqa cilmiyeed oo horey uu Quraanka uga warramay, amaba uu nebi Muxammad (NNKH), inoo sheegey.

Xumaan waxaa ka hufan, Rabbigii inaga dhigay ummad Islaam ah, ee nagu galladaystay nebi Muxammad rasuul iyo nebi ahaan (NNKH).

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
__________________________________________________________
Afeef: Qormadani, waxay gaar u tahay qoraha, iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.

- Advertisement -

Read more

Local News