Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Cumar Carte ayaa ka hadlay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee maanta ka dhacay Xarunta Aqalka ee magaalada Muqdisho.
Carte ayaa sheegay in Doorashada ay aheyd mid ka duwan kuwii hore, waxa uuna tilmaamay in Aqalka Sare uu yahay mid ku cusub saaxada Siyaasada Somalia.
Carte ayaa sheegay in Xildhibaanada loo doortay Guddoonka Aqalka looga baahan yahay inay ka fiirsadaan Howlaha Qaranka waxa uuna tilmaamay in sababta loo doortay ay tahay in dalka ay ka saaran Marxalada uu ku jiro.
Carte waxa uu sidoo kale sheegay in guul muuqata ay tahay in si ay nabad iyo kalsooni ku dheehan tahay lagu soo afmeero Doorashooyinka Golaha Shacabka iyo tan Aqalka Sare.
Doorashada Madaxweynaha ee harsan ayuu sheegay in iyana ay rajeenayaan inay u dhacdo sida Doorashada Labada Aqal.
Doorashada Madaxweynaha ayuu tilmaamay inay ku dhici doonto wakhtigeeda, waa haddii aysan dhicin sabab kale oo dib u dhigi karta Doorashadaasi.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha cusub ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ku-Xigeenada Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Mowliid Xuseen Guhaad ayuu ugu baaqay inay ka dhabeeyan ujeedka ku qasabtay inay isku soo tagan xilka isla markaana u adeegan dalka iyo dadka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

