Jowhar (Caasimada Online) – Marwo Catriona Laing oo ah wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa maanta booqashadeeda koowaad ee gudaha dalka ku tegtay HirShabelle oo noqotay maamul goboleedkii u horreeyay ee ay tegto, tan iyo markii ay timid gudaha Soomaaliya, oo ay ka shaqo billowday todobaadkan.
Socdaalkan ayaa waxaa Catriona Laingm ku wehlinayay ku xigeenkeeda cusub, ahna u qeybsanaha iyo isku-duwaha howlaha bini’aadanimo ee Soomaaliya Md. George Conway, ayada oo madaxtooyada HirShabelle ee Jowhar uu ku qaabilay Cali Guudlaawe Xuseen.
Labada mas’uul ayaa is barasho kadib ka wada-hadlay howlaha muhiimka ah ee hortabinta leh sida daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha goleyaasha deegaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Gargaarka iyo Sare u qaadida adeegyada horumarinta.
Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle oo warbixin siiyay wafdiga ka socday Qaramada Midoobay.
Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaaladii lala galay Kooxda Al-Shabaab isaga oo sheegay in dhul ballaaran laga saaray.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in deegaanada la xoreeyay la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, sidoo kalana ay isu diyaarinayaan wajiga labaad ee howlgallada, si loo dhameystiro xoreynta deegaanada wali gacanta ugu jira Al-Shabaab.
Ergeyga cusub ee QM ayaa dhankeeda ballan-qaaday in doorkooda hormarineed ay qaadan doonaan, isla-markaana ay HirShabelle kala shaqeynayaan horumarinta deegaanka.
Haweeneydan oo xafiiska ku cusub ayaa horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada.
Catriona Laingm ayaa sidoo kale booqan doonto xarumaha kale ee maamul goboleedyada, si ay wadahadallo ula yeelato hoggaamiyeyaasha kale ee dalka.