Mustaqbalka $DOOLARKA Mareykanka oo wajahaya cabsidii ugu weyneyd!

Mareykanka oo ka faa’ideysanaya daruufta iyo burburka dhaqaale ee Yurub kasoo gaaray dagaalkii 2aad ee dunida ayaa shirkii Bretton Woods oo qabsoomay inyar kahor dhamaadkii dagaalka 2aad layimid aragti ah in sicirka dhaqaalaha aduunka lagu sidko doolarka oo xiligaas sidookale ku xudun-xirnaa qiimaha dahabka. Inkastoo aysan dowladahii shirkaas kasoo qeyb-galay kuwada qanacsaneyn aragtidaas hadana majirin fikrad xambaarsan dhaqaalaha uu Mareykanku waday, ayadoo dowladii aqbashana Mareykanku u balan-qaaday inay saami kuyeelan doonto mashaariicda dib usoo nooleynta dhaqaalaha Yurubtii dagaalada kuburburay sida mashruucii hirgalay dagaalka kadib ee loogu magac daray ‘Marshal Plan’. 

Shirka Bretton Woods waxaa markiiba kafar-camay hay’addo ilaa iyo maantadan saameyn mug leh kuyeeshay dhaqaalaha aduunka sida Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Aduunka oo xiligaas loo yaqaanay bankiga caalamiga ah ee dib u dhiska & horumarinta oo dabcan qasadkiisu ahaa dib u dhisida Yurubtii burburtay kaliya, iyo Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO). Muddo kadib waxaa markale seexada bangiyada lagusoo kordhiyey hanaanka SWIFT Code oo ah hab dhaqso lagula socon karo dhaq-dhaqaaqa iyo kala wareejinta qarashaadka bangiyada dunida kaasoo qeyb weyn kaqaata dabagalka iyo xayiraadaha lacagaha bartilmaanka ah. Waxii waqtiyadaas kadanbeeyay lacagta doolarku waxay 80% udub dhexaad u noqotay iibka badeecada, sarifka lacaha qalaad, maalgashiga caalamiga ah, deeymaha, yabooha bini, aadnimada ama keeydka dhaqaale ee shaqsi ama dal leeyahay.

Go,aanadii kasoobaxay shirkii Bretton Woods iyo kuwii daba-socdayba waxaa lagu tilmaamaa inay ahaayeen dabin ama shirqool loo maleegay dhaqaalaha dunida gaar ahaan wadamadii aan codka kulaheyn shirkaas ee xornimada helay waqtigaas kadib ama wadan kasta oo laga dareemi karay inuu ka siyaasad iyo aragti duwan yahay Mareykanka iyo xulufadiisa ayadoo loo adeegsaday xeelado dhaqaale oo ay kamid yihiin xayiraadaha lacagaha, amaaho lacageed oo sharuudo iyo ribooyin adag huwan ama cunno qabatayn. Isticmaalka doolarka ayaa fursad u siiyey xulufada reer galbeedka inay lasocdaan dhaq-dhaqaaqa iyo keydka dhaqaale ee shaqsiyaadka ama dalalka ay danaynayaan goob-walba iyo goor kastaba. 

Shaki kumajiro in lacagaha qiimahoodu sareeyo sida Yen-ka Japan, Euro-da Yurub, Pound-ka Britain, Yuan-ta China ama Dollarka Canada midkoodna uu gaari waayey mustawaha isticmaal ee doolarka Mareykanku leeyahay walloow ay jirto in qaarkood kasicir qaalisan yihiin doolarka. 

Cilladaha soojireenka ah ee doolarku wali leeyahay

Inta badan lacagaha ay isticmaalaan dowlaha dunida waa kuwo kusidkan dahabka maadaama dahabku taariikh fog oo bulshada caalamku isla ogoshahay kuleeyahay ganacsiga dunida islamarkaasna qiime ahaan inta badan fadhiyo halka badeecadaha kale qiimahooda  badanaa sabeeyo. Sidaas darteed, marka ay lacagta dalalkooda laga isticmaalo daabacayaan waxaa cadadka iyo sicirka lacagtaas lagu jaangooyaa keeydka dahab ee dalkaas leeyahay ama hantida qaran ee dowladuhu gaarka u leeyihiin taasoo looga gol leeyahay in lagu kasbado kalsoonida dowladaha ganacsiga kaladhexeeyo dalkaas si ay magdhow ugu helaan hantidooda markii uu hoos u dhac ku yimaado sicirka lacagta dalkaas ee gacantooda kujirta. Lacagaha noocan oo kale ah waxaa looyaqaanaa Commodity money, waana lacag hubinti fiican u leh ganacsiga dunida.

Marka loo imaado lacagaha Mareykanka, UK, Canada, Russia iyo Ururka Midoowga Yurub iyo dalal kale oo badan waa lacago aanan kuxudun-xirneyn dahabka, qalinka ama agabyada kale ee qiime ahaan salka adag leh, waxaana lacagaha noocan oo kale ah lagu magacaabaa Fiat Money, waayo waa lacago kudhisan hadba inta ay gaarsiisan tahay kalsoonida ay dalkaas kuqabaan dalalka laleh macaamilka ganacsi halka daabacaada iyo lasocodka lacagtaas uu gacanta kuhayo bankiga dhexe ee dalkaas. Dhaliilaha ugu weyn ee lacagta Fiat Money leedahay waa in dowladuhu si gaar ah u go,aamiyaan daabacaada lacagta dalkooda ayagoon xeerin hantida keydka ugu jirta taasoo horseeda qiimadhaca sicirka lacagta iyo sicir barar. Waxii kahoreeyey 1970-ka, doolarka Mareykanku waxuu kudun xirnaa qiimaha dahabka balse dagaalkii dabada dheeraday ee Vietnam iyo Mareykanka ayaa horseeday in doolarka kujira gacanta dowladaha kale kafarabato keydka dahab ee Mareykanku leeyahay taasoo sababtay in lakala raro doolarka iyo dahabka. Xiligaas kadib, daabacaada doolarka waxay noqotay sida ugu fudud ee dowladdu ku xaliso daruufaheeda dhaqaale. Goorahaan,  Mareykanku waxuu sannad kasta daabacaa 1 trillion ama kun malyan oo doolar taasoo mar muujinaysa culeysyada dhaqaale iyo sicir barar ee dowlada Mareykanku wajahayso marka kalena qiima dhaca doolarka kudhacaya. Cilmi baarisyo lasoo bandhigay ayaa cadeeynaya in doolarku lumiyey 60% qiimahiisa tan iyo markii koowaad ee ladaabacay 1913-kii.

Maxaa sababay caqabadaha uu maanta wajahayo doolarka Mareykanka

Xiriirka xumaaday ee Sacuudiga iyo Mareykanka: labadan dal oo mudo fog lahaa xiriir aad u wanaagsan oo lama taabtaan lagasoo bilaabo helitaankii keydka shidaalka Sacuudiga oo markiiba iibka shidaalka ku guntay doolarka kaasoo lacagta doolarka siisay taageeradii ugu wayneyd oo uu suuqyada aduunka kahelo ebad, colaadihii soomaray Bariga Dhexe, maalgashiga miisaanka leh ee muwaadiniinta Sacuudigu kasameeyaan Mareykanka, iibka hubka iyo qeybo kale. Tan iyo doorashadii madaxweyne Biden, xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanku waxuu ahaa mid uu hareeyey mugdi iyo is fahan daro xoogan taasoo keentay in Sacuudigu oo libin ahaan u haysta shidaalkiisa baadi goobo saaxiibo iyo suuq cusub oo kamadax banaan Mareykanka. Go,aankan ayaa durbadiiba waxaa fursad kadhex arkay China iyo Russia oo Sacuudiga ku qanciyey inuu abuuro suuq kamadax banaanka Mareykanka. Sacuudiga ayaa talaabadaas u arkay mid banaanka keenaysa awoodiisa siyaasadeed iyo dhaqaale taasoo keentay inuu aqbalo heshiiska Iran oo China garwadeenka ka tahay. Sacuudiga ayaa sidookale qorsheynaya inuu markii ugu horeysay shidaalkiisa ku iibiyo lacagta Yuanta China waxayna noqon doontaa dharbaaxadii ugu cusleyd ee doolarka Mareykanku kudhacda hadii ay uu qorshahaas hirgalo.

Ururka BRICS: ururkan waa mid ay kumideysan yihiin dalalka Brazil, Russia, India IYO S/Africa oo wadarta dadka kunool gaareyso kalabar bulshada dunida islamarkaana kobaca dhaqaalaha dalalkoodu soosaaro gaarayo 26 trillion doolar. Madaxda ururkaan ayaa wada olole xoogan oo wadamada caalamka loogu qancinayo in la abuuro hanaan dhaqaale oo kamadax banaan doolarka Mareykanka taasoo ah inay dalalku wax ku kala iibsadaan lacagaha ay gaar u leeyihiin si ay awood u yeeshaan lacagahooda. Aragtidaan ayaa aad usoo jiidatay dalal farabadan waxayna horseeday inay dalal cusub oo gaaraya 19 dal soo codsadaan ku biiritaanka ururka BRICS. Waxaa kale oo qorsheysan inay dalalkaan mustaqbalka dhow sameeystaan lacag u gaar ah ururka, ayadoo ay suuragal noqon karto in lacagta China ee Yuanta loo aqoonsado mida ururka kadhexeyn doonta. Gulufkaan ay horboodayaan China iyo Russia oo wadna qabad siyaasadeed iyo mid dhaqaale kunoqday Mareykanka, ayaa saameynta waqtiga dhow laga baqayo tahay isbadal ku dhaca sicirka doolarka.

Waayahaan waxaa aad usoo badanaayey wadamada lacagahooda gaarka ama dahabka ku kala iibsanaya badeecadahooda sida China, France, Russia, Brazil,  Japan, India, Iran, Libya, Germany dalalka koonfurta Asiya. Waxaa sidookale xusid mudan in dowlado farabadan ay dib u ceshanayaan keydkii dahab ee kayaalay bangiyada caalamka ayagoo dib u celinaya doolarkii gacanta ugu jiray. Dhowaan ayey aheyd markii uu madaxweyneynaha Kenya William Ruto sheegay in laga digtoonaado istcimaalka doolarka halka uu madaxweyne Xi Jinping sheegay in waayihii doolarku gaba-gabo marayo. 

Hadaba, marka la iskusoo-duubo macluumaadkaas oo idil, waxay muujinayaan in doolarku wajahayo cadaadis iyo hoos u dhacii ugu darnaa oo ay gadaal kariixayaan gaashaan buur  siyaasad ahaan quus kataagan siyaasadaha qalafsan ee Mareykanka. Waqti dhow, waxaa muuqata in doolarku sii ahaanayo lacagta loogu adeegsiga badan yahay balse hadii uusan dhcin isbadal siyaasadeed iyo dhaqaale oo Mareykanku la yimaado, waxay u badan tahay in ololaha hada socda uu wiiqi doono qiimaha doolarka iyo dhaqaalaha Mareykankaba.

Shaki kumajiro isbadal kasta oo ku yimaada doolarka, inuu saameyn toos ah kuyeelan doono dhaqaalaha iyo nolosha mujtamaca Soomaaliyeed. Arrinkaan ayaa waqtigan u baahan in dowladda Federalka ah iyo ganacsatada ku baraarugaan kana wada-tashadaan waxii laga yeeli lahaa duufaanta xowliga kusocota ee  soo caga dhigatay xuduudaha dalalka dariska ah. Maadaama uusan shilin Soomaaligeenu awood iyo aqbalaad ku laheyn suuqyada caalamka waa muhiim inay bulshadeenu garato in qasaaraha doolarka ku yimaada yahay qasaare hantideeda kuyimid.  Waa in bulshadeenu si maskax iyo garasho leh u gorfeysaa hardanka siyaasadeed iyo dhaqaale ee socda kana fogaanaa go,aanada qar iskatuurnimada leh ee dhinac gaar ah lagu safanayo maadaama aan cashar kasoo baranay martigalinta siyaasadaha is-diidan ee dowladaha awooda badan. 

W/Q: Hamdi Wardhere Mohamed
Email: zudeys9@gmail.com