27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Cawad ‘oo shaqaaleeyey’ 12 qof oo qaraabadiisa ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeediyey wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad.

Ganey oo ka mid ah xubnaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa ugu horreyn walaac ka muujiyey hab dhaqanka wasiirka, wuxuu ku eedeeyey in wasaaradda muddada yar ee uu joogo uu ka shaqaaleysiiyey 12 qof oo ay isagu qaraabo dhow yihiin , sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in marka ay wax ka weydiiyeen arrintaasi uu ugu jawaabay inay tahay mid mamnuuc ah.

Xildhibaanka oo la hadlayey Radio Simba ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku dhaliilay inuu faah faahin ka bixin waayey heshiis uu dhawan ku saxiixay dalka Marocco, kaas oo uu xusay in aysan waxba kala socon labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu carabka ku dhuftay inuu ka meer meeray su’aal ay ka weydiiyeen ka guddi ahaan eedeyntii qaraxyada ee loo jeediyey dowladda Qatar.

Xildhibaan Maxamed Xasan Odiris (Ganey) ayaa hoosta ka xariiqay in wasiirku uu arintaasi ku tilmaamay eedeymo siyaasadeed, islamarkaana uusan dooneyn in baaritaan dhab lagu lagu sameeyo eedeyntaasi.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa shalay hortagay guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka, kuwaas oo wax badan ka weydiiyey howlaha wasaaraddiisa.

Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News