Maxay diinta islaamka ka qabtaa in la dilo muslim dilay gaal [Paul Formosa]

Markaan ka akhrsitay Caasimada Online, in maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland saakay ku xukuntay  dil toogasho nin fududeeyay dilkii Paul Anthony Formasa, waxaan go’aansaday inaan qoraal ka sameeyey waxa ay shareecada Islaamka ka qabto midka fududeeyey iyo kan dilayba.

Waxaan rabaa inaan soo bandhigo intaan ka garanayo shareecad islaamka. Haddii qof gaal ah oo heshiis ku jooga dhulka musliminta uu dilo qof muslim ah,  xukunkiisa muxuu yahay? Kaasoo shareecada islaamka ey utaqaano (الذمي).

Waxaan tilmaamayaa sharciga waxa uu kaqabo arrinta sare ku xusan, waxaaka ukala qadayaa dhowr qodob:-

1- Maxaa la dhahaa Dimi (الذمي)? Waa qof aan heysan diinta islaamka ama gaal ah oo ku joogo dhulka muslimiinta sifo sharci ah, oo heshiis ay dowlado kala qorteen ah, waxaana laga qaadayaa ququul oo yaqaano jizyo (الجزية), waxaana u daliil ah Alle SWT hadalkiisa.

قوله تعالى: (قَاتِلُوا الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَلَا بِالْيَوْمِ الْآخِرِ وَلَا يُحَرِّمُونَ مَا حَرَّمَ اللَّهُ وَرَسُولُهُ وَلَا يَدِينُونَ دِينَ الْحَقِّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حَتَّى يُعْطُوا الْجِزْيَةَ عَنْ يَدٍ وَهُمْ صَاغِرُونَ) [ سورة التوبة، الآية: 29]

Haddii ay gaalada ku joogaan heshiis dowladeed, waxaa waajib ku ah dadka xukunka haya iyo shacabkaba inay ilaaliyaan qofka ka diinta duwan ee la nool, oo aysan ku xadgudbin, islamarkaana ilaaliyaan naftiisa, maalkiisa iyo sharafkiisaba.

Haddii qofka muslimka ah uu dilo qof ku dhex nool muslimiinta waxaa sunada kusoo arootay goodin iyo ciqaab adag inuu la kulmayo, nabiga N.N.K.H waxuu noo tilmaamay qofkii dilo DIMI (الذمي) in uusan urineynin udugga jannada.

قال صلى الله عليه وسلم : ( من قتل معاهدا لم يرح رائحة الجنة )

2 –  Hadii qofkii Dimi (الذمي ) ah la dilo, oo dilka uu gaysto qof muslim ah, maxaa laga yeelayaa? Shareecada islaamka waxay ka qabtaa arrintaas in aan la dileynin qofka muslimka ah ee dilay Dimi (الذمي), taasna micnaheeda maahan in la fududeysaynayo dilkiisa ama uu banaan yahay oo ciqabta uu muteysanaa qaarban soo tilmaamnay, haddane nabiga N.N.K.H waxa uu  noo tilmamayaa inaa qof muslim ah loo dili karin qof gaal ah, ha ahaado Dimi (الذمي) ama qof hishiis ku jooga ( المعاهد).

في البخاري من حديث علي رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : (لَا يُقْتَلَ مُسْلِمٌ بِكَافِرٍ)

3-  Maxuu noqonayaa xukunka ciqabta ah ee adduunyada uu ku muteysan karo qofkii dilay Dimi(الذمي) ama qof dhulka islaamka heshiis ku joogo ( المعاهد)?.

Haddii uu yahay dilka si kama ah ama aan ula kac ahayn, qofkaas waxaa laga qaadayo diyo (ديته). Waxayna tahay qiimo ahaan, qofka muslimka ah diyadiisa barked, ooo uu bixinayo dilaaga. Haddii uu yahay dilka mid kas ah waxaa laga qaadayaa diyada qofka muslimka oo kale.

فجاء عن ابن عمر رضي الله عنه : ” أن رجلاً مسلماً قتل رجلاً من أهل الذمة عمداً ، ورفع إلى عثمان رضي الله عنه فلم يقتله ، وغلظ عليه الدية ، مثل دية المسلم. “

Gunaanad: Ku dhaqanka shareecada islaamka iyo xeerarka umada ku heshiisay iyo dastuurka oo aan khilaafsaneyn shareecada islaamka waa bad-baadada umaddan, khilaafidda kitaabka iyo Sunnadana, waa halaaga illaa maanta aan ka bixi la’nahay.

Waxaa ku qoran datuurka federaalka Soomaaliya Qodobka 2-aad Dowlada iyo Diinta, Faqradiisa (3) Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn mabaadi’da guud ee shareecada islaamka iyo maqaasiddeeda. Sidaas oo ay tahayna, haddana in toos loo khilaafayo shareecada islaamka, lana soo saarayo xeerar kitaabka iyo sunnada toos u khilaafaya sida xeerka ciqaabta Soomaaliya ee D.L.16 December 1962, waa ayaandarro. Hoggaanka dadka ha ogaadan in wax magaratada lakhiyaami karo laakiin Alle SWT aan lakhiyaani karin.

Halkaan ka daawo Sadex baabuur oo qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho iyo fadeexad ku soo baxday Cawad

W/Q: Maxamed Ibraahim
siyaasi1990@gmail.com