Madaxweyne Muuse Biixi oo war culus ka soo saaray ciidamo laga laayay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si adag uga hadlay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo lagu laayey degmada Ceel-Afweyn.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inaysan marnaba u dul-qaadan doonin in macno la’aan lagu laayo ciidamada Somaliland, isla mrkaana talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo isku dayda inay waxyeelo u geysato ciidamada.

Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxan tacsi u dirayaa ciidankii qaranka Booliska ee lagu laayey Ceel-Afweyn, oo aan la garaneyn sababta loo laayey, kuwii dhintay Allaha u naxariisto, kuwa noolna Allaha noo cafimadiyo”.

“Garan mayno wax ciidankaa lagu laayey, wax dhibaato ah oo ciidankaas iskugu yimaadan oo lagu laayo oo maanta la qiri karaa ma jirto, cisho dhoweyd unbey aheyd markii hore loo laayey Saraakiishii booliska ee jeelka iyagana wax lagu laayey la garaneyn”.

“Waxaa la yaab leh in Cid ama Reer uu ciidanka qaranku si dhib yar iskaga laayo, dabadeetana haddii qaranku dul-qaato uu yidhaahdo bal ‘nabada ha la ilaaliyo oo halkan ha loo wareego’ inay noqoto wado xalaala in ciidankii qaranka la laayo maalin walba”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Reerihiina ay labo jilib kala baqdaan oo ninku haduu qolo yahay aan la taaban karin oo reerkooga laga baqanaayo, haduu qarankii yahayna lagu soo dag-dagaayo bilaa micno lagu dilaayo wax dhici kara maaha”.

“Waxaanu ka qaadeyna reeraha leynaya ciidanka qaranka wax aynaan kula bur-burin, ninka gardarana ku qabano, aad iyo aadna wan uga xumahay mana sii socon karto, markaasna waa in dambiilihii la qabtaa oo gacantii gacan ka weyn loo geysan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com