28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Cabdiraxmaan Caynte oo raali-gelin ka bixiyay hadal uu ugu gafay beesha Shiikhaal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadal uu xalay ka jeediyay madal ka dhacday magaalada Muqdisho.

Hadalkaasi oo siyaabo kala duwan looga falceliyay ayaa dadka qaar ku macneeyeen gef uu Caynte kula kacay beesha Shiikhaal, taas oo ugu dambeyn uu haatan raalli-gelin ka bixiyay.

Caynte ayaa xalay si kaftan ah u yiri: “Beesha (Shiikhaal) waxaa lagu xantaa macruufka iyo munkarka magaalada iyaga u qaabilsan. Meherkii subaxdii Sheekh Cabdi Xayi ayaa sameeya, habeenkiina Dayax Dalnuurshe ayaa soo xira. Waan ugu hambalyeynayaa taas.”

Inkastoo hadalka uu si kaftan ah ugu jeediyay fannaanka Dayax Dalnuurshe oo goobta ku sugnaa, haddana waxay dad badan oo ka falceliyay ku tilmaameen “mid gef ku ah beesha” iyo aflagaado uu Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya kula kacay.

“Waxaan raalli-galin kal iyo laab ah ka bixinayaa hadal aa ku kaftamay oo aan ka iri xafladdii xalay. Diinteenna suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa i faraya inaan u cudur daarto cid walba oo hadalkaas dhibsatay,” ayuu Caynte ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Hoos ka aqriso qoraalka Caynte:

Bismillah,

Waxaan u hambalyeynaa saaxiibkey Fuad Abdi Mohamed, agaasimaha 5 MAGAZINE iyo howl-wadeennadiisa, sannad guurada 4-aad ee aasaaska majalladdan hirgashay ee dhaxalka u noqotay dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku bogaadinayaa halabuurka, howlkarnimada iyo joogteynta majallad bille ah oo kusoo baxda luqadda English-ka, taas oo haqabtirtay baahi weyn oo jirtay.

Waxaan Allah SWT uga baryaa inuu na gaarsiiyo annagoo u dabbaal dageyna 40-guuradeeda.

Ugu dambeyn, waxaan raalligalin kal iyo laab ah ka bixinayaa hadal aa ku kaftamay oo aan ka iri xafladdii xalay. Diinteenna suubban iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa i faraya inaan u cudurdaarto cid walba oo hadalkaas dhibsatay.

Soomaalidu waxay tiraahdaa: “qofkii ay candhuuftaadu gaartay, calaacashaaduna ha gaarto.”

Wabillahi Towfiiq.

- Advertisement -

Read more

Local News