Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo shalay kulan qado sharafeed ah ugu sameeyey guriga Midnimo oo ku dhex yaala xarunta Madaxtooyada Villa Somalia Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu muhiimadda koowaad siin doono haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha midnimada Soomaaliya iyo in Somaliland lasoo celiyo.
Murashax Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay inta la helayo midnimo dhamaystiran iyo is cafis guud oo bulshada Soomaaliyeed dhex mara in wali wax badan ay ka dhiman yihiin wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuna ka codsaday Xildhibanada ka soo jeeda deegaanada Waqooyi in codkooda ay siiyaan si uu hadafkaasi u gaaro.
“Waxaan qabaa in shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ay dhibaatooyin badan kala gaareen haddii an Siyaasadda saxno wax walba waa ku guuleysan karnaa. Waxaan xooga saari doonaa haddii alle ii qadaro xilka aan raadinayo midnimada ummadda. Arrinta Soomaaliland waa in si buuxda loogala tashadaa dadkii ay taladu ka go’day waana arrimaha mar walba fashilka keenayay intii aan xilka Raiisul Wasaaraha hayay waxaan aad xooga u saarnay in talada ay ka go’do dadka arrintan sida gaarka ah quseyso”ayuu ka yiri Xafladdii qadada Mudane Cumar Cabdirashiid.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]