Prof. Samatar oo sheegay arrin xasaasi ah oo madaxda DF ay gacmaha kula jiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan magaalada Muqdisho ay ka dhacaan Qaraxyo loo adeegsada gaadiidka raaxada ayaa waxaa arrintaa si adag uga hadlay Siyaasi Cabdi Ismaaciil Samatar.

Samatar ayaa sheegay in amni darida ka jirta magaalada Muqdisho ay u sababtahay ciidamada Dowlada oo aan lasiin wax mushaar ah, waxa uuna tilmaamay in Askari baahan uusan amni sugi karin, sida uu hadalka u dhigay.

Samatar oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa farta ku goday in ciidamada dowlada FS aan mushaaraadkooda lasiin muddo lix bilood ah.

”Horay waan u sheegay haddana waan ku celinayaa amniga iyo xasiloonida Somalia waxa ay ku xiran tahay ciidamada dowlada oo lasiiyo xuquuqdii ay ku lahaayen dowlada”

”Waxaad moodaa in dhibaatada ka socta Muqdisho ay tahay mid waxbadan laga ogyahay waayo mas’uuliyiinta hogaanka u haya dalka wey la socdaan in baahida heysa Askarta ay sababeyso amni darro, waana sababta ugu weyn oo ciidamadu ay uga jiiftaan xaqiijinta amniga”

Samatar waxa uu eedeyn usoo jeediyay Madaxda DFS, waxa uuna tilmaamay in Hantida Qaranka ay u adeegsanayaan Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale, Samatar waxa uu Madaxda ugu baaqay in faraha ay kala baxaan Hantida Qaranka oo sida xad dhaafka ah ay u maamulanayaan, sida uu haddalka u dhigay.

Haddalka Samatar, ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay marti galineyso Qaraxyo iyo Doorashooyin is xigxiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com