26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

CC oo dacwadii loo heystay isaga wareejiyay BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa loo gacan geliyay sharci muhiim u ah xisbiyada dalka Soomaaliya oo in muddo ahba ka cabanayay in xukuumada Soomaaliya ay ku dhagan tahay ansixinta sharciga axzaabta dalka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa xaqiiyay in maalintii shalay xukuumada Soomaaliya ay ku wareejisay sharciga axzaabta dalka baarlamaanka Soomaaliya.

Gudiga arimaha gudaha oo sharcigaasi hadda gacanta ku hayaa laga filayaa iney marka hore eegaan sharciga ka hor inta aan loo gudbin xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xisbiyada dalka Soomaaliya ayaa ku dhagaan ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arimaha gudaha, iyaga oo ku eedeynayay iney hortaagan yihiin sharciga xisbiyada dalka Soomaaliya, taasi oo dhalisay in maxkamadda sare dacwad laga geeyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u muuqda inuu haatan iska dadbay waxyaabaha loo heystay, waxaana haatan baarlamaanka laga sugayaa iney meel mariyaan sharcigaasi oo rasmi ka dhigaya xisbiyada haatan ka dhisan dalka oo KMG ah.

Xildhibaan Jeesow, wuxuu sheegay in muddo labo ilaa seddex maalin ka dib baarlamaanka Soomaaliya la hordhigi doono sharciga xisbiyada dalka Soomaaliya, sida uu sheegayna la ansixin doono ama wax ka badal lagu sameyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News