Guuleed oo jawaab kulul siiyay Cabdi Weli Gaas

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula hadlayay deegaanada maamulkiisa ayaa jawaab kulul ka bixiyay wararka ku aadan in Puntland ka go’eyso Soomaaliya.

Madaxweyne Guuleed, wuxuu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aan u cuntamin ummada Soomaaliyeed taasina aysan dhici karin, sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu Sheegay madaxweyne Guuleed in ayaan daro ay tahay hadalkaasi ka soo yeeray ninka hogaamiya Puntland ee Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay Mr. Guuleed inay muhiim tahay in la aqbalo go’aanada leesku raacay, xili Puntland ay aad u diidantahay qorshaha doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa ay u furantahay sadax wado oo ay mitahay inay ka go’aan Soomaaliya oo ay kaligood ismaamulaan iyo iney ogolaaadaan gorgortan ay ka galaan go’aankii kasoo baxay madaxda shirka madasha ee kusoo dhamaaday Muqdisho.

Madaxweyne Gaas ayaa hadalkaasi sheegay kadib markii wakiilo ka socdo beesha caalamka ay kula kulmeen magaalada Garowe, ayna ku kala boodeen fikrada ay beesha caalamka wadatay oo ahaa inuu aqbalo go’aanka dowlada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com