CC Shakur oo maanta laga hor-istaagay munaasabad uu ku qaban lahaa Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay baraha bulshada ku daabaceen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ayaa waxaa ay ku sheegeen in ciidamada ammaanka ay is-hortaageen munaasabad baroordiiq ah oo Muqdisho ay ku qaban lahayeen.

Munaasabadda ayaa lagu waday in madaxda xisbiga iyo dad kale oo ka qeyb gali lahaa munaasabadaasi ay ku xusaan sanad guuradii koowaad ee weerarkii ciidamada NISA ay ku qaadeen guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo sidoo kalena isaga lagu soo xray.

Mas’uuliyiinta xisbiga oo qaarkood aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in munaasabadda ay baaqatay kadib markii ciidamada amniga ay hotel-ka go’doomiyeen.

Sidoo kale inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta la xiray, ayada oo inta badan wadooyinka la xiray ay ahaayeen kuwa ku dhow goobta uu ka dhacay kulanka xisbiga Wadajir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com