Xildhibaanada BF ee kasoo jeeda DIGIL iyo MIRIFLE oo soo saaray go’aano culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir deg deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayey kasoo saareen war-saxaafadeed ka kooban sagaal qodob. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka.

War saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka  Soomaaliya ee Digil-Mirifle:

Shir deg deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen Xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koofurgalbeed Soomaaliya  taas oo ka dhalatey Faragelinta qaawan ay Dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Madaxweynaha KGS iyo sidoo kale xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Dastuurka Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidaas darteed Xildhibaanada waxay soo saareen War saxaafadeedkaan:

  • Ugu  horeyn Waxaan Tacsi tiraanyo leh u direynaa shacabka Koofurgalbeed geeridii ku timid  Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, Alla ha u naxariistee oo ahaa  Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka KGS iyo  sidoo kale shacabkii  sida aan kala sooca lahayn loogu xasuuqey magaala Baydhabo iyagoo  dhigayaa banaanbaxyo  nabadeed  oo ay ku muujinayaan Shucuurtooda iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay  cabiraan  Ra’yiga iyo afkaarta  si ay usoo bandhigaan afkaartooda ku saabsan cida  ay ku aamini karaan Masiirkooda Siyaasadeed taas oo ah xuquuq  Dastuuri ah oo  Dastuurka federaalka soomaaliya siinayo  Muwaadininiinta Soomaaliyeed.
  • Waxaan si adag u  cambaareyneynaa afduubkii loo geystey Musharax Madaxweyne  Mukhtaar Roobow Cali oo ah  Muwaadin Soomaaliyeed taasi oo   13/12/2018 ay ciidamada AMISOM- Sector 3 gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ka soo afduubeen xarunta Madaxtooyada Koofurgalbeed ee  Magaalada Baydhabo iyagoo ku soo wareejiyey Gacanta Hey’adda NISA.  Sidaas awgeed Waxaanu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan  iyo gaar ahaan  Shacabka  KGS ee xad gudubka loogeystayba u  cadeyneynaa in afduubkaasi uu yahay sharci daro iyo xadgudub loo geystey dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka koofurgalbeed Waxaan sidoo kale ku boorineynaa  cidkasta oo ku lug lahayd falkaasi in ay ka waan toobaan in ay kula kacaan falal sharci daro ah muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.
  • Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa Ciidamada AMISOM- Sector3 gaar ahaan Ethiopia  falka ay ku  kaceen ee ah ku milmidda iyo Faragelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koofurgalbeed, iyo sidoo kale xadgudubka iyo falalka hubeysan ee ay kula kaceen Muwaadiinta reer Koofurgalbeed taas oo isagu jirta afduubka iyo rasaas nool oo  lagu furey shacabka  mudaaharaadayey  si ay u caburiyaan.

BAAQA XILDHIBAANADA:

Xildhibaanada ka soo jeeda Qowmiyadda  Digil iyo Mirifle ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed waxay soo jeedinayaan qodobadan soo socda:

  • In la ilaaliyo Sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana  loo hoggaansamo lana aqbalo Dalabkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS, Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed Dalabaadkaasi oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslaxada caamka ah, Danaha qaranka , midnimada iyo isu uurfayoobaanta shacabka soomaaliyeed islamarkaana loo  helo jawi deggan oo saamixi kara doorasho xor iyo xalaal ah.
  • In laga wada shaqeeyo sidii lagu suurtagelin lahaa heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo keeni karta xal ka gaaridda doorasho ay ka wada qaybgalaan dhamaan musharaxiintii shahaadooyinka qaatey.
  • In la soo daayo dadka sida sharci darada ah lagu xirey iyagoo gudanaya xuquuqooda Dastuuriga ee uu u fasaxayo Dastuurka JFS.
  • Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaaya Qod. 20aad  ee Dastuurka  JFS  oo u fasaxaya in ay ka qaybqaadan karaan, abaabulan karaan banaanbaxyo  nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyagoo  aan cidna uga baahneyn in ay ogolaasho ka helaan. Shacabka waxa aanu Xasuusinaynaa  Xigmada “tiraahda libaax ninganey iyo nin galaday labadaba og” Maalinbaa soosocota Insha Allah  aad qalinkiina ku codeysaan oo aad si cad codkiina ugu garab istaagtaan cidii idinka mutaysata.
  • Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyaddooda Dastuuriga ah.
  • Ugu danbeyn Xildhibaanadu waxa ay si mug iyo miisaanleh ugu mahad celinayaan qofkasta oo soomaaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday, kana damqaday tacadiga lagula kacay bulshada reer KG. Shacabka reer koonfur galbeed, waa ay idiin ogyihiin abaalkiina. Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa hay’adaha Xuquuqul iinsaanka, iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabihii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG.

Wabilahi tawfiiq