CC Shakuur: Daandaansiga FARMAAJO waa mid qof walba soo jeedinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si adag kaga hadlay falkii xalay lagu rasaaseeyey taliyihii hore ee nabad sugida qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare.

Marka hore Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyey weerarka lagu qaaday siyaasiga Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu yahay mid gar darro iyo oo beegsi ah.

“Waxaan canbaaraynayaa falka weerar ee lagu qaaday taliyihii hore ee Nabadsugida Qaranka Generaal C/raxmaan Tuuryare. Waxaan joognaa xilli madaxweyne kii uu xilka ku weeraray iyo taliye nabadsugid oo kii ka horeeyey xabadaynayo,”. ayuu yiri.

Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in arrintan ay caddeyn u tahay daan-daansiga ay wadaan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo kooxdiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax kale maaha ee waxay cadayn u tahay dhaqanka hoggaamiye kooxeednimo ee ina Farmaajo iyo kooxdiisa. Daandaansiga Farmaajo iyo kooxdiisa mid qof walba soo jeedinaya,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba hadalkani ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay Cabdiraxmaan Tuuryare uu ka bad-baaday rasaas ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku fureen gaarigiisa oo marayey isgoyska Miranaayo oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.