CC Shakuur: Khayre waxaa looga fadhiyaa magdhowga dadkii lagu dilay Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay socdaalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku joogo magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka K/Galbeed Soomaaliya.

Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre looga fadhiyo inuu garawshiyo iyo magdhow ka bixiyo dadkii lagu dilay magaaladaasi 13-kii, illaa 15-kii December ee sanadkii hore 2018-kii.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inuu fuliyo Ra’iisul wasaaruhu ballantii ay guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ay wadajir uga qaadeen shacabka iyo odayaasha deegaanka.

“Raysalwasaaraha waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaaa in uu garawshiyo ka bixi, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wadajira u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka.” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Rabshadihii ka dhacay K/Galbeed xilligii doorashada ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, kadib markii la soo xiray Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ah musharraxiintii maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com