Xog: Tirada xildhibaanada Ahlu Sunna looga ogolaaday baarlamaanka Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay xog ku saabsan heshiis ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ka gaareen khilaafkii ku saabsan tirada xildhibaanadii ay dalbatay Ahlu Sunna.

Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen, Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Ahlu Sunna u ogolaatay inay Baarlamaanka Galmudug ku yeelato ilaa 30 xubnood kadib kulamo xasaasi ah oo Dhuusamareeb ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre oo hadda ku sugan Baydhabo.

Ahlu Sunna ayaa markii hore dalbatay in Baarlamaanka Galmudug laga siiyo 50% oo ah kala bar Xildhibaanada Galmudug oo noqonayo 89 Xildhibaan balse waxaa arrintaas ka hor timid dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna markii hore usoo bandhigtay inay Xildhibaanada Galmudug ka qaadato 15 Xildhibaan taasoo ay si weyn uga hor timid Ahlu Sunna.

Ugu dambeyntii kulamo is daba joog ahaa oo dhex maray labada dhinac ayey isku afgarteen in Ahlu Sunna laga siiyo Xildhibaanada Galmudug ilaa 30 Xildhibaan.

Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu heshiiyey in tirada Xildhibaanada Galmudug lagu daro 30 Xildhibaan oo dheeri ah taasoo ka dhigan in Baarlamaanka Galmudug uu noqon doono 119 Xildhibaan.

Heshiiska labada dhinac ayaa sidoo kale waxaa ka kamid ah in Ahlu Sunna ay soo xulista 30 Xildhibaan u fiiriso hab qeybsiga Beelaha.

Haddii Ahlu Sunna ay Baarlamaanka Galmudug ku yeelato 30 Xildhibaan waxay laf dhabar u noqon doontaa natiijada cidda noqoneyso seddexda hoggaan ee ugu sareeyo maamulkaas oo la filayo in dhawaan la doorto.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com