CC Shakuur oo aan weli aqbalin inuu xubin ka noqdo isbaheysiga mucaaradka iyo sababta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo xisbigisii ayaa lasoo warinaya in aaney weli aqbalin qorshaha socda ee la doonayo in lagu mideeyo xubnaha mucaaradka ku ah Dowlada hada jirta,  sababaha uu uga gaabsaday ayaa lagu sheegay iney la xiriirto cida hogaamineya isbaheysiga.

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame wuxuu doonayay in isaga uu noqdo ninka hogaamiaya isbaheysiga mucaaradka, laakiin xubnaha Daljir iyo kooxdii Qabyo ayaa soo jeediyay inuusan Warsame hada boqolkiiba boqol ka gadmi karin bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Cadikariin Guuleed uu ku dadaalayay in mudo ah in CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka. Xubnaha wada hadalada ku galay Nairobi iyo Ankara ayaa codkoodu u batay in  Xasan Shiikh uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga si ku meel gaar ah inta laga dhameystiraayo dhismaha ururkaan.

Wadajir iyo CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa la sheegay iney ka gaabsadeen qorshihii wax isku darsiga.

Waxyaabaha ay xubnaha Daljir iyo Qabyo ku doodayaan waxaa ka mid ah in xisbiga WADAJIR uusan hal xildhibaan ku laheyn labbada Aqal ee Baarlamanka Somalia, sidaa darteed uusan u furneyn gor gortan  weyn.

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame waxaa lagu tilmaamaa nin inta badan jcel inuu isagu kaligii wax maamulo.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in xisbiga WADAJIR uu ku qanacsanyahay qorshaha mucaaradka balse uu ka gaabsaday isbaheysiga hadii aan dalabkooda loo fulin karin. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa mudooyinkaan is balaarin ku waday xisbigiisa isagoo xarumo uga furay dhowr wadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com