CC Shakuur oo arrin kale la xiriiriyey xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay xirnaashaha jidadka Muqdisho oo ay saaka ku soo waabariisteen shacabka ku dhaqan caasimada, kadib markii lagu soo daadiyey ciidamo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay inay tahay sanadkii labaad oo la xirayo jidadka, iyada oo laga hortegayo xuska 17-kii December oo ah markii uu dhacay wararkii lagu qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamo badan la dhigay goob-kasta oo lagu tuhmayo in lagu qabanayo barooq-diiqda dadkii lagu dilay weerarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho waddooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17 December. Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray,” ayuu yiri C C Shakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, islamarkaana diiddan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka waddooyinka u fur,”

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in maanta la qabanayo dibad-bax lagu taageerayo dowladda, sidoo kalena laga cabsi qabo inuu dhaco mid kale oo looga soo horjeedo madaxweynaha & dowladdiisa.

Si kastaba ha’ahaatee Muqdisho ayaa wajaheysa xaalad adag iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.