CC Shakuur oo dacwo ah – Maxaa lagu sameeyay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in si tuugo ah lagu daabacay buugga Adkaysi, oo dhawaan uu bandhig u sameeyay.

Buuggan, oo uu Warsame ka qoray waayo-aragnimadiisa siyaasadeed, caqabadaha ku gadaaman, iyo dhismaha dowladnimo, ayaa haatan si tuugo ah – qiimo aad uga jaban kan saxda ah – loogu iibinayaa gudaha magaalada Muqdisho.

Dhibaatadan kuma koobna oo kaliya Xildhibaanka, balse sidoo kale waxaa la daalaa dhacaya qorayaasha Soomaaliyeed, taasoo quwad-jebinaysa hal-abuurka fikirka, suugaanta, fanka, iyo farshaxanka.

Sababta ugu weyn ee arrintan loo aanaynayo waa in aysan jirin ilaalin dhab ah oo lagu sugo xuquuqda daabacaadda. Taasi waxay sababaysaa in buug uu qof ku bixiyay maskax, waqti, tamar, iyo qarash si xatooyo ah dib loogu iibiyo.

“Hal-abuurka fikirka, suugaanta, fanka, farshaxanka, iyo masraxa waa halka laga dheehdo ilbaxnimada ummadaha. Waa aqoonta uu bani’aadamku hiddihiisa ku dhowro, iskuna dhaxalsiiyo dhaqanka, sooyaalka, qiyamka bulsho, anshaxa ummadnimo, iyo dooqa qofnimo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kasoo saaray arrintan.

Hoos ka aqriso qoraalka

Hal abuurka fikir, suugaan, fan, farshaxan iyo masrax waa halka la dheehdo ilbaxnimada ummadaha, waa aqoonta uu bani’aadamku hiddihiisa ku dhowrto, iskuna dhaxalsiiyo dhaqanka, sooyaalka, qiyamka bulsho, anshaxa ummadnimo iyo dooqa qofnimo. Sababaha loo tiirin karo in ay bulshadeenna uga dhex guulaysan la’yihiin waxaa ka mid ah;

1- In aysan jirin ilaalinta xuquuqda alifaadda. Sida halkan idiinka muuqata labadan buug ee “Adkaysi” iyo “Waa Inoo Muqdisho” oo uu galay maanshiil, waqti, tamar, iyo qarash, ayaa si tuugaysi ah lagu koobiyeeyey, qiimo jabana lagu iibinayaa. Ma oga ka iibinaya iyo midka iibsanayaba in ay hanti dhacayaan.

2- Dhiirragelin la’aan ka timaadda bulshada. Soomaalidu dhaqan uma laha aqriska, iibsiga buuggaagtaaa waa arrin la xariirta dhaqan aqooneedka bulsho. Alifaadda, daabacaadda iyo aqriskaba bulshadeenna hiddo uma laha, inkastoo ay Gobbolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) kaga horeeyaan inta kale.

Daaro waawayn iyo dabaqyo dhaadheer ayaa meel walba laga dhisayaa, laakiin ma jiraan Maktabado dadwayne oo wax lagu aqristo, kuwa buuggaagta iibiyana hal qol oo ciriiri ah ayey ku yaalaan, mana haystaan kalyanti, iyo dad xiiso u haya aqriska.

Waa fara ku tiris dadka aqoonyahanka ah ee jaamacada dhigta ama ka baxay in ay iibsadaan buug ka baxsan muqararka Jamaacadda. Taasi waxay ka dhigan tahay in inta badan qofka Soomaaliga ah uusan lahayn qorshe aqris iyo aqoon kororsi joogta ah

3- Shirkadaha iyo ganacstada oo aan maalgashanin hal abuurka iyo wax soo saarka fikirka, dhaqanka, sooyaalka, hiddaha iyo suugaanta umadda. Uma arkaan in ay ribix ama faa’iido maaddi ah ka helayaan, taas ayaana sabab u ah in la waayo ganacsato maalgelinaysa aaladaha daabacaadda iyo wax soo saarka fikirka iyo fanka. Daaruhu way dumayaan haddii aysan jirin aqoon, ilbaxnimo, sharci iyo xeerar lagu ilaaliyo.