CC Shakuur oo jawaab ka bixiyey magacii Farmaajo uu u bixiyey mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ku dhaleeceeyey siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa shalay magaca cusub u bixiyey Siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ee mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, isagoo ku tilmaamay inay yihiin (Siyaasiyiin Xanaaqsan).

“Siyaasiga xanaaqsan waa kan dhaha ha nala dhexgalo, waa kan hanjebiya shacabka, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay masoo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar malah, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Si kastaba, qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in hadalladaas aysan ahayn kuwa ku haboon madaxweyne doonaya inuu dadkiisa isku soo dhooweeyo. Hoos ka aqriso qoraalkiisa.

“Khudbada iyo hadal jeedinta hogaamiye dal colaad ka soo baxaya oo baahi wayn u qaba in dadkiisa la isku dumo dawladiisana dib loo dhiso, waa kartida uu u leeyahay in uu shacabkiisa la wadaago sida uga haboon ee caqabadaha ku horgudban looga gudbi karo, halista ku xeeran looga baxsan karo, fursadaha horyaalana looga faa’iidaysan karo. Waxaa kaloo laga doonayo in uu leeyahay awood iyo fasaaxad hadal jeedin oo uu dadkiisa ku qancin karo, ku soo jiidan karo, kuna dhiiragelin karo”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com