Maxaa fashiliyey qorshihii ay Somaliland dooneysay in ay Saylac ku siiso Russia?

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ayaa la sheegay in bilihii lasoo dhaafay dadaal weyn ugu jiray inuu xarun ama Saldhig Militari kasiiyo Dowlada Ruushka degmada xeebta saaran ee Saylac.

Xogtan ayaa soo baxeysa xili ay kulamo u socdaan Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Ruushka oo kulamo gooni ah ku yeeshay magaalada New York ee uu ka socdo shirweynaha 73aad ee Qaramada Midoobay.

Qorshahan oo uu si weyn u daneenayey Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday fashil kadib markii ay dowlada Ruushka ka gaabsatay inay qaabisho wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo damcay inay booqdaan magaalada Moscow ee caasimada Ruushka.

Degmada Saylac oo ah deegaan xeebeed taariikhi ah ayaa aad ugu dhaw dalka Jabuuti oo ay hada saldhigyo ku leeyihiin militariga dalal kala duwan oo ay ku jiraan Maraykanka, Faransiiska iyo China.

Maamulka sida weyn u doonaya aqoonsiga ayaa rajeenayey in dowlada Ruushka ay ka caawiso dhinaca aqoonsiga inay yihiin dal madax banaan, taasina ugu bedasho Ruushka dhul balaaran oo ay kasiin lahayd degmada Saylac.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa istusay in Ruushka taageeradii uu siiyey hogaamiyaha Siiriya Bashar Al Assad mid lamid ah siin doono Somaliland hadii uu aqoonsado, walow dadaalkaasi ka socday Hargeysa la sheegayo inaan lagu guuleysan.

Somaliland ayaa horey heshiis saldhig militari u saxiixday Dowlada Imaaraadka Carabta oo ay ku wareejisay dhul balaaran oo ku yaal degmada Berbera, walow heshiiskaasi la saxiixay hase yeeshee dhismaha saldhigaasi ayaa la sheegay inay dib u dhacyo ku yimaadeen.

Kulankii Federaalka iyo Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergey Lavrov iyo Wasiirka Soomaaliya Axmed Cawad oo hada ku sugan shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen uga wadahadlay xiriirka labada dal.

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay dooneyso inay xoojiso xiriirka iskaashi iyo ganacsiga ay la leeyihiin Wadanka Soomaaliya.

Ruushka ayaa kamid ahaa wadamadii qeybta weyn ka qaatay dhismaha militariga Soomaaliya laga soo bilaabo xiligii dowladihii Rayidka iyo militariga ee Soomaaliya, isla markaana dhisay madaarka weyn ee magaalada Berbera oo ay hada maamulka Somaliland ku wareejisay Imaaraadka Carabta.

Moscow ayaan soo hadal qaadin baaqyada iyo codsiyada uga imaanayey Maamulka Somaliland balse sheegtay inay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Maxamed Cismaan, HM