Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo kumanaan $ ka dhacday arday + Caddeyn

Khartoum (Caasimada Online) – Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa lunsaday Lacag kor u dhaafeysa 12000$ “Labbo iyo Toban kun oo Doolar” ka dib markii ay is daba mariyeen habkii lacagaha ay ku bixin Jireen Muwaaddiniinta  Soomaaliyeed ee u baahan Baasaboorka, taa oo aheyd in Account lagu shubo Lacagta lagu dalbado Baasaboorka.

Xafiiska ayaa Ardayda faray in shaqsi walba uu kaash ahaan u bixiyo Lacag dhan 160$ “Boqol iyo Lixdan Doolar” si loogu dalbo Cusbooneysiinta Baasaboorkiisa.

Arintan ayaa dhacday intii ay Safaaradda Joogeen Diblumaasiyiintii hore ee ay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ku amartay in ay dib ugu soo laabtaan dalka ka dib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Cabdullaahi oo ah Madaxii hore ee Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Safaaradda ayaa ku dooday in sii haayihii hore ee Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule uu ku amray in Lacagta uu Kaash ahaan uga qaado Muwaaddiniinta, ka dibna uu isagga ku wareejiyo, balse hadalkaa ayaa u eg mid iska dheh ah Maadaama Xafiiska Jinsiyadaha uu si toos ah u hoos tagi jiray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Sii haayaha Cusub ee Safaaradda ayaa markii hore tilmaamay in aanu shaqo ku lahayn wixii isagga ka horeeyay, balse Ardaydii la dulmay oo uu hadalkaa u cuntami waayay ayaa u sheegay Mudane Cismaan in Lacagta ay ku bixiyeen Magac Dowladeed, ayna tahay in uu xaqoodii uga doono Dowladda  si ay Baasabooradooda u helaan, isagga oo ugu danbeyn balan qaaday in uu Dacwadda ardayda u gudbin doono Xafiisyada ay quseyso ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

In ka badan Toddobaatan Arday ayaa is diiwaan galiyay ka dib markii uu sheegay Sii haayaha Cusub ee Safaaradda Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed in loo baahanyahay tirada Ardayda ee lacgata laga dhacay, iyadoo Warbixinta ay Wakaaladda AANA heshay ay sheegaysa in tirada Ardayda la dhacay ay intaa ka badan tahay maadaama ay jiraan dhalinyaro wax ka barata Gobolada kala duwan ee Suudaan  kuwaa oo aannan hadda wali soo gaarin Khartuum si ay liiska dulmanayaasha uga mid noqdaan.

Baasaboorada Shan bilood ka hor halka Muwaadinka  ugu muddada yar uu Baasaboorka ka maqanyahay Bil iyo wax la jira.

Qaar ka mid ah Ardayda la dhacay oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in aanay wali u jeedin Yididiilo muujinaysa in ay xaqooda heli doonnaan ayna ku qasbanyihiin sida muuqata in ay Lacag cusub bixiyaan si Baasaboorada dib loogu dalbo.

Mid ka mid ah Ardayda Dulman oo aan mar sii horeysay la xariirnay ayaa yiri sida tan “Tiradeenu aad ayey u badantahay, waxaa nagu jira arday Jaamacadihii dhamaystay oo Master u aadi lahaa Waddamo kale, qaar daganaashihii ka dhacay oo Maalinkii u dhashaba Ganaax lacageed ku socoto inta ay daganaasho ka saaranayaan, Qaar baa Caafimaad u aadi lahaa dallal kale. Waad dareemi kartaa nin Qurbo jooga oo Baasaboorkii ka dhacay. Run ahaantii Ardaydu waxay dareemayaan dulmi loogu gaystay Magaca Dowladdooda, waxay lacagta ku baxsheen Xafiis Dowladeed iyagoo u dhiibay shaqaale Dowladeed. Waxaa Nasiib darro ah in la iska indho tiro Cabashadeenna, jawaab cadna aannan nala siin ilaa iyo hadda. Waxaa Nasiib darro kale ah in Ninkii xoolaheenna qaatay uu wali Khartuum ku damaashaadayo isagoo baal maray amarkii ahaa in Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee Suudaan jooga ay labbo Asbuuc ku soo xaroodaan. Waxa aan Dowladda Soomaaliya uga fadhinaa in ay la xisaabtanto Tuugadii ina dhacday, inagguna xaqeena inoo soo celiso”.

Inkastoo Safaaraddu ay faafisay Warqad ay ku sheegayso in arinta foosha xun ee lagula kacay ardayda ay gudbisay, isla markaana ay Jawaab ka sugeyso Hay’addaha ay quseyso ee Dowladda ayaa haddana waxa ay Ardaydu shaki galinayaan Xaqiiqda warka Safaaradda maadaama in ku dhow laba Asbuuc aanay wax Jawaab ah ka imaan dhanka Dowladda Soomaaliya.